Taliyaha ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM  ee Soomaliya Gen. Osman nor subagle ayaa waxa uu sheegay in ay qorsheynayaan howlgalo milatari kuwaa oo looga soo horjeedo Xarakada Al shabaab.

General subalgle ayaa hadalkan jeediyay ka hor inta aan la’soo xerin tababar labo asbuuc ugu soconayay fariin sinka ugu weyn ay ku leeyihiin magaalda mogdisho oo taageeray saraakiil ka’socotay dalka britian kuwaa oo siinayay tababar kor loogu qaadayo howlgalada ay imika wadaan.

“Waxaan wada shaqeynaa ciidamo ka kala socda dalal kala duwan kuwaa oo dareemaya marxalado halis ah, iyadoo awooda qorsha guuleystay ay tahay mid adag” sidaasi waxaa hadalkiisa ku yiri Gen. subagle.

Wuxuu sidoo kale taliyahAAn timaamay muhuumada ay leedahay qorsheynta weeraro lagu qaado Xarakada Al shabaab.

Waxa uu ugu baaqay in Sarakiisha ay isticmaalaan xirfadaha ay leeyihiin to howlgalka ay ugu guuleystaan oo lagu cirib tiryo Xarakada Al shabaab.

kasoo qeyb galayasha tababarka ayaa waxaa kaqeyb qaatay shan-dal ciidamadooda kuwaa oo kala ah Kenya,Uganda,Burundi, Ethiopia iyo Djibouti oo qeyb kaah howlgalka midowga Africa ee Soomaaliya

http://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2016/06/Duladeyn.jpghttp://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2016/06/Duladeyn-150x150.jpgMustafe Mohamedsomali NewsTaliyaha ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM  ee Soomaliya Gen. Osman nor subagle ayaa waxa uu sheegay in ay qorsheynayaan howlgalo milatari kuwaa oo looga soo horjeedo Xarakada Al shabaab. General subalgle ayaa hadalkan jeediyay ka hor inta aan la’soo xerin tababar labo asbuuc ugu soconayay fariin sinka ugu weyn ay...News from Somalia & the World