Waa Su’aal isweydiin mudan yaa u maqan Boosaaso, Boosaaso oo ah magaalo weyn oo ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn Soomaaliya, hooyo u ah malaayiin qof oo Soomaali ah, soo dhoweysay dad Soomaaliyeed oo tiro badan tan iyo markii uu dalkeena hooyo dhibaatada aynu gacanteena ku kasbanay ay ka dhacday, markaad aragto tirade dadka ku liibaanay Boosaaso, ka shaqeystay, degay, ka ganacsaday, wakhti muddo ah degenaa kadibna ka sii gudbay oo caalamka iyo dalka intiisa kale u sii gudbay, markaad aragto inta qof ee timi magaalada iyaga oo aan waxba haysan, muddo yar ka dibna barwaaqo iyo tijaaro ka helay, markaad eegto inta qof ee wax ka baratay burburkii ka dib, markaad aragto inta siyaasi iyo siyaasiyiin ku soo baxay magaalada lacagteeda canshuurta looga ururiyo dekadeeda iyo ganacsatadeeda, waxaad garanaysaa baaxada iyo muhiimada ay leedahay magaalada Boosaaso iyo sida wanaagsan ee ay dad iyo aduunba u dhowrtay.

bosaso hospital

 

Iyada oo magaaladu intaas oo dhan oo wanaag ah geysatay, ayaa  magaalada qofna uusan u galin abaalkii ay mudnayd oo ah in magaalada ay noqoto magaalo ka dhisan dhinackasta oo ay u baahantahay, hadey  noqon lahayd xaga kaabiyada dhaqaalaha sida wadooyin iyo gegi diyaaradeed oo caalami ah oo dadku ku soo degaan.

Waxaase ugu daran oo aan jeclahay qoraalkeyga inaan kaga hadlo, sida magaalada looga baabi’iyey xagii horumarka caafimaadka dhamaantiis, haduu yahay mid dowladeed ama bulsho guud (public health) ama uu yahay mid si khaas ah loo leeyahay oo loo maal gashado (Private Health Service). Waxaad arkaysaa maanta in magaalada Boosaaso ay tahay magaalada ugu liidata xaga Caafimaadka guud ahaan Puntland magaalooyinkooda kale ee waaweyn sida Garoowe iyo Gaalkacayo marka loo barbardhigo,  in aad maalin walba maqlaysid dhaawacyo ama jirooyin si sahlan waxlooga qaban karo in dadkii u dhamaanayaan, ama boqolaal KM lala aadayo qofkii oo aad maqlayso Hargeysa ayaa loo qaaday, Addis Ababa ayaa loo qaaday, Nairobi ayaa la geeyey,  maya Malaysia ayaa la geeyey, dhamaana inta badan jirooyinka waa  jirooyin wax laga qaban karo, tusaale jirada Hargeysa iyo Burco wax lagaga qaban karo, ama Gaalkacayo iyo Garoowe oo aan Boosaaso wax looga qaban karin waa maxay?.

Boosaaso oo ah magaalo ganacsi, wax soo saarka ugu badan ee maamulka Puntland ka soo baxo, la dhihi karo waxay xaga dhaqaalaha la tartami kartaa magaalada Muqdisho in laga waayo cisbitaalo si khaas ah loo leeyahay ama si guudba oo dadka lagu daweeyo.

Cisbitaalka guud ee Boosaaso si fiican ayaa loo dhisay, balse dhibtu waxay tahay wax ka socda ama shaqo ah ma jiraan, qofkii la geeyo cisbitaalka irbad haduu u baahdo waa in doolar uu bixiyaa, waa in daawada suuqa looga soo gadaa, cisbitaalka ma joogaan dhakhaatiir aqoon leh oo jirooyinka khaasatan qaliinka qabankara, ma joogaan dhakhaatiir si daacad ah dadka xaaladooda u baari kara. Ma jiro maamul isku dubarid iyo hogaan fiican leh, waxaad maqlaysaa cisbitaalka ninkii joogay wuu xirtay, lama joogo, hebel hala doono iwm.

 

Suuqyada Boosaaso waxaa jira xarumo caafimaad oo si khaas ah loo leeyahay oo dan tooda guud tahay lacag urursi, aan baaritaan wanaagsan samayn karin, aan qaliin muhiim ah samayn karin, aan aqoon u lahayn shaqada ay qabanayaan, qalab fiican aan haysan, hadana dadka lacagta ka shubanaya, maxaa u diiday in kuwa sida khaaska ah loo leeyahay ay dhakhaatiir aqoon leh keen sadaan, caalamka ka keenaan, maxaa u diiday in cisbitaalo ay dhistaan baaxad leh, qalab koodu u dhan yahay, maxaa ka qaaday dadka ganacsatada ah himadii maaliyad raadinta, maadaama caafimaadka si joogta ah loogu baahan yahay, shirkaduhuna ay ka helayaan faa’iidooyin badan inta dadka lacagaha lagaga guranayo tayo la’aan iyo aqoon la’aanba oo qofka marka lacagta laga dhameeyo oo xaaldiisu ka sii darto la leeyahay halkan waxba lagama qaban karo ee qaada. Cid mas’uuliyad leh oo dhiig miiratada tayada daran daba gasha ama iyaga iyo dadweynaha u dhexeysa ma jirto, qof kasta sidii xoolo oo kale ayaa lacagta laga shubanayaa dabadeedna, layska dirayaa, meel uu u dacwoodana xataa ma jirto!.

Aaway dadkii magaalada Boosaaso iska lahaa ?, yaa horta Boosaaso iska leh oo u ehel ah?,  maxay isugu heshay inay noqoto magaalo dhaqaale badan dalka soo gelisa, dowladda Puntland soo gelisa, ganacsatada lacag badan soo gelisa hadana nasiib daro aan cidna iyada iyo daryeelkeeda iyo dadkeeda aysan u qumin, imisa ayaa hashan irmaan oo aan la waraabin, cawsna la siin la maali karaa?,

Waa kuwee kuwa u maqan Boosaaso iyo mustaqbalkeeda?

Waxaa lagama maarmaan ah in magaalada sida aan kor ku sheegayba Soomaali oo dhan soo dhoweysay, daryeeshay, dhistay maamulka Puntland, deeqo badan siisay qaybo badan oo dalka  Soomaaliya ka mid ah , u gurmatay dadyow badan mararka ay dhacaan dhibaatooyinka dabiiciga ah, qayb weyn ku leh dhisida Soomaaliya iyo soo celinta dowladnimada Soomaaliya .

Waxaa isweydiin leh, dadka mas’uuliinta ah ee u dhashay gobolka Bari maxay wax uga qaban waayeen, maxay uhor marin waayeen magaca iyo sumcada magaalada, maxay ugu raadin waayeen daryeel caafimaad, wax qabad muuqda, waad ogtihiin in maanta ay taagan tahay meel xun oo hadii ay ku sii socoto ay dhumayso magaalada iyo magaceeda iyo hantideeda intaba. Waayo magaalo waxay magaalo ku tahay markii laga helo daryeel caafimaad oo tayo leh, amaan sugan, kaabiyaal dhaqaale sida gegi diyaaradeed oo caalami ah iwm, hadii aan hada loo dhaqaaqin, laga qaban dadka caadeystay in magaalada ay dhiiga ka miirtaan, waxaa hubaal ah in Boosaaso ay noqonayso magaalo muddo 20 sano ah la maalay, soo gaartay ilaa heer, kadibna dhimatay oo laga tegay, waxaa hubaal ah in magaalooyinka kale oo Soomaaliya oo waaweyn laga aadayo magaalada lagana tegayo, dadkii u dhashay ee tayada lahaa, kuwii wax ku bartay, kuwii lacagta ka helay qof kasta markuu arko dayaca iyo darxumada ka jirta asaasiyaadka magaalada u baahan tahay, qof kasta qoyskiisa iyo caruurtiisa ayuu ka wadanayaa, cid bedelaysa oo imanaysana ma jirto.

Ogaada magaalo ma jirto caalamka aan asaasiyaadka noloshu u baahan tahay aan lahayn oo magaalo sii ahaata, wadamada horu marka sheegta ayaad tusaale u arkaysaa, wadanka Ingiriiska waxaa jira magaalooyin ku dhisnaa industry/waxsoo saar khaas ah, kadibna markii wax soo saarkii istaagay laga tegay oo dib u dhac weyn ku yimi ilaa laga soo bilaabo 1980skii hadana ah magaalooyin mar magac lahaa balse hada aan waxba laga soo qaadin in kastoo dadaalo badan oo dib u noolayn ah (regeneration) lagu sameeyey sida magaalooyinka Sheffield, Liverpool, Manchester, iwm oo waqooyiga Ingiriiska ku yaal.

Dalka maraykanka magaalada Detroit waxay ahayd magaalooyinka ugu waaweyn Maraykanka, ahayd moto city,  goobta Baabuurta maraykanka lagu sameeyo, hadana mudo markii laga tegayey oo laga guurayey ayeyba waxay noqotay magaaladii ugu horeysay ee cariga Maraykanka tiraahda waan Kacnay oo cayr inay noqotay sheegtay, taasna waxaa ugu wacan in aan xili fiican wax laga qaban hoos u dhaceeda iyo ka guurida dadku ay ka guureen, shirkadihii dadka shaqaaleynayey ay isaga tageen ama wadamo kale oo ka raqiisisan xaga shaqaalaha aadeen.

Maanta Boosaaso hadaan la daba qaban, dadkeeda wax garad, aqoon yahan, siyaasi, gabar iyo wiil, oday iyo habar aan loo kicin, kaabiyaasha nolosha aan kor loo soo qaadin, kama duwanaaneyso magaalo beri jirtay oo  meel  sare gaartay, dabadeed dadkii ay naas nuujisay dhulka afka ciida u dareen.

Waa in qof kasta oo ka soo jeeda deegaanka Puntland gaar ahaan gobolka Bari isweydiiyaa, sidee magaalada Boosaaso loogu abaal gudaa, looga dhigaa magaalo caan ka noqota caalamka oo dhan, yeelata magac weligiis jira, loo abuuraa jawi magaaladu ay leedahay adeegyada bulshada oo dhamaystiran, loo maal geliyaa kaabayaasha magaalada ka dhigi kara meel lagu neegaado, la tartanta magaalooyinka kale ee waaweyn ee Soomaaliya iyo Afrikaba.

Waa in magaalada lagu celiyaa dakhliga ka soo baxa in ka mid ah si dib loogu dhiso, caafimaadkeeda loo hagaajiyo, amnigeeda loo ilaaliyo, wadooyinkeeda loo hagaajiyo, waa in magaaladu yeelataa maamul garanaya niyadana ku haya horumarinta magaalada ee aan lagu xulan maamulka reer hebel iyo waa ina hebel, waa in qofka mas’uulka ah lala xisaabtamaa oo laga wareystaa hor marinta magaalada, tusaale duqa magaalada kuwii hore iyo kuwa hada jooga, hadii miisaan la saaro ayaa la oran karaa magaalada waxbuu u qabtay, duqa magaalada asaga iyo golaha deegaanka ayaa laga rabaa inay daba gal ku sameeyaan ayna dhisaan kaabiyaasha horumarinta magaalada sida in la helo cisbitaal guud oo shaqeynaya, in isla xisaabtan jiro oo qofkii meesha loo dhiibay aan ka soo bixin jagada laga qaado sharcigana la horkeeno hadii uusan mas’uuliyadiisa u gudan sidii laga rabay.

Waxyaalaha aan is leeyahay way dedejinayaan magaalada inay suuqa ka baxdo waxaa ka mid ah in xataa ganacsatadii ay magaalada ka tegayaan, amni xumo hanoqoto ama meelo kale oo ay daryeel ka helayaan ha noqoto taasna waa bilowga ku tusaya in magaalada ay u baahantahay daba qabasho weyn iyo in loo soo baxo oo hada inta aysan gaarin meel aan waxba laga qaban karin wax laga qabto inta goori goortahay.

Wabilaahi towfiiq.

Siyaad Cali Yuusuf

 

http://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2014/05/Bosaso-port12.jpghttp://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2014/05/Bosaso-port12-150x150.jpgadminHealthBosaso. Puntland  Waa Su’aal isweydiin mudan yaa u maqan Boosaaso, Boosaaso oo ah magaalo weyn oo ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn Soomaaliya, hooyo u ah malaayiin qof oo Soomaali ah, soo dhoweysay dad Soomaaliyeed oo tiro badan tan iyo markii uu dalkeena hooyo dhibaatada aynu gacanteena ku kasbanay ay ka...News from Somalia & the World