Madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabaddala Saalax ayaa sheegay inuu diyaar u yahay wadahadal uu la galo Sacuudiga iyo Xulafadiisa si dagaalka Yemen loo joojiyo nabadna loo gaaro.

 

Cali Cabdalla Saalax ayaa ahaa madaxweynihii hore ee Yemen muddo 30 sano ka badana dalkaa ka talinayey tan iyo markii uu xilka kala wareegay madaxweynaha hada talada Yemen haya Cabdirabi Mansuur Haadi.

Mar uu Cali Cabaddale ka hadllayey khudbad uu ka jeediyey TV Yemen magaalada Sancaa ayuu ku sheegay in uu diyaar u yahay inuu heshiis la galo xulafada Sacuudiga ee dagaalka kula jirta asaga iyo kooxda Xuutiyiinta ee ay muddada sadexda sano isku bahda ahaayeen. Xulafada Sucuudiga ayaa hadalka Cali Cabadalle soo dhoweysay kuna tilmaamay talaabo hore loo qaaday.

Cali Cabadale madaxweynihii hore ee Yemen ayaa wuxuu dalbaday in xulafada Sacuudigu ay qaadaan go’doominta ya ku hayaan aagagooda.

Kooxda Xuutiyiinta oo taageero ka hesha dalka Iran ayaa ka hortimi hadalka Cali Cabadalla Saalax kuna sheegtay inqilaab uu u dhigay dadka jecel inay Yemen difaacaan, waxaana wararku sheegayaan in dagaal uu ka dhex qarxay taageerayaasha Cali Cabdalle iyo ciidamada Xuutiyiinta magaalada Sancaa ee dalka Yemen.

Lama oga saameynta ay ku yeelan karto warka  ka soo yeeray madaxweynihii hore iyo sida ay wax uga bedeli karto xaalada cakiran ee dalka Yemen. Waxaa gaajo qarka u saaran in kabadan 20 milyan oo qof, dalka Yemen waxaana koloo jira cuduro iyo barakac balaaran oo dalka Yemen ka jira xaaladuna ay ku adagtahay dadka shacabka ah iyo maatada aan waxba galabsan.

SC

Bosasotimes.com

 

 

 

http://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2017/12/Salah1-1024x703.jpghttp://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2017/12/Salah1-150x150.jpgadminsomali NewsCali Cabdalla Saalah,Xuutiyiinta,YemenMadaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabaddala Saalax ayaa sheegay inuu diyaar u yahay wadahadal uu la galo Sacuudiga iyo Xulafadiisa si dagaalka Yemen loo joojiyo nabadna loo gaaro.   Cali Cabdalla Saalax ayaa ahaa madaxweynihii hore ee Yemen muddo 30 sano ka badana dalkaa ka talinayey tan iyo markii uu xilka...News from Somalia & the World