Wararka ka imaanaya bariga dhexe ayaa sheegaya in ciidamada cirka ee Israa’iil ay duqeeyeen duleedka magaalada Dimishiq ee dalka Siiriya iyaga oo sida la sheegay burburiyey qalab militeri oo goobta yaalay.

Wararka ayaa sheegayaa in ciidamada Israa’iil ay marar badan duqeymo xaga xirka ah ama gantaalaha ridada dheer ku weerareen saldhigyo ciidan oo ku yaal dalka Siiriya iyaga oo ku andacoonaya inay ka hor tagayaa hub ay leedahay kooxda shiicada ah ee dalka Lubnaan ee Xisbulah.

Sidoo kale warar ayaa sheegaya in ciidamada Iran ay saldhig ka dhisteen duleedka magaalada Dimishiq taas oo dawladda Yuhuudu ay ka soo horjeedo una aragto khatar dalkeeda ku wajahan.

 

 

Dhawr jeer ayaa raisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu u sheegay inuusan marna ogolaan doonin in Iran ay saldhigyo militeri ka samaysato dalak Siiriaya.

 

SC

Bosasotimes.com

 

 

 

http://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2017/12/siiriay2.jpghttp://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2017/12/siiriay2-150x150.jpgadminPuntlandsomali NewsDimishiq,Israa'iil,SC,SyriaWararka ka imaanaya bariga dhexe ayaa sheegaya in ciidamada cirka ee Israa'iil ay duqeeyeen duleedka magaalada Dimishiq ee dalka Siiriya iyaga oo sida la sheegay burburiyey qalab militeri oo goobta yaalay. Wararka ayaa sheegayaa in ciidamada Israa'iil ay marar badan duqeymo xaga xirka ah ama gantaalaha ridada dheer ku weerareen...News from Somalia & the World