Waxaa maalmahaan ku batay magaalada Boosaaso ee caasimada ganacsiga Puntland ciidamo kala duwan oo hubaysan kuwaas oo baaritaano kawada xaafadaha magaalada iyo meherado kala duwan ee suuqa weyn ee Boosaaso.

Waxaa dhowaan lagu qabtay xeebta u dhow magaalada Boosaaso doon la sheegay inay waday hub kala duwan taas oo ciidanka amaanka ku sheegeen inay hubka u waday cadowga Puntland waa sida ay hadalka u dhigeene. Wararka suuqa ayaa sheegaya in hubka ay la haayeen ganacsato caan ah oo ka ganacsata hubka dawladdana la sheegay inay ka warhayso dhaqdhaqaaqooda balse ay markii hore indhaha ka qarsan jirtay.

Xiisado kala duwan ayaa magaalada Boosaaso ka jira ayna ka midtahay arimaha dhisidi dekedda Boosaaso iyo wareejinteeda taas oo dad badani ka soo horjeedaan khaasatan dadka laga yaabo in guryahooda la dumiyo si dekedda loogu balaarsho xaafadaha u dhow.

Dawladda Puntland ayaa ku adkeysanaysa dhisidda dekedda Boosaaso iyo hor marinteeda, umana joojinayso sida la sheegay cabashooyinka dadka qaarkiis ka soo yeeraya. Bal waan sugin meesha ay ku danbeyso xiisadahan kala duwan ee ayantaan magaalada Boosaaso ka jira.

Bosasotimes.com

 

http://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2016/03/111.jpghttp://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2016/03/111-150x150.jpgadminPuntlandBosaso,dekedda,hub,XiisanWaxaa maalmahaan ku batay magaalada Boosaaso ee caasimada ganacsiga Puntland ciidamo kala duwan oo hubaysan kuwaas oo baaritaano kawada xaafadaha magaalada iyo meherado kala duwan ee suuqa weyn ee Boosaaso. Waxaa dhowaan lagu qabtay xeebta u dhow magaalada Boosaaso doon la sheegay inay waday hub kala duwan taas oo ciidanka...News from Somalia & the World