Waraka ka imaanaya Deegaanka Bariire oo ka tirsan Gobolka Sh/hoose ayaa Sheegaya in halkaas Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya, AMISOM iyo Ciidamo Mareykan ah ay ka fuliyeen howlgal qorsheysan.

Howl-galkan, ayaa waxaa ka qayb qaadanayay Diyaarado kuwa Qummaatiga u kaca ah ee Helicopters-ka, waxaana dagaal muddo socday uu dhexmaray Al-shabaab iyo ciidamadan huwanta ah, iyadoo la sheegay in Al-shabaab Bariirre laga saaray.

Hay’adda Nabad-sugidda Somalia ayaa sheegtay in ciidamada Gaarka ah ee Komaandoosta Danab iyo kuwa AMISOM ay qaadeen Weerar qorsheysan, ayna howlgalkan ku qabsadeen Saanad ciidan iyo Sarkaal ka tirsan Al-shabaab.

Sidoo kale, Warkan ayaa intaas ku daraya  in Ciidammadaan huwanta ah ay kusoo furteen weerarkaas maxaabiis Al-shabaab ugu xirnayd Saldhigga Bariire, inkastoo tiradooda aan la sheegin.

Dhanka kale, Dadka ku nool Bariirre ayaa sheegaya inay maqlayeen duqeymo diyaaradaha qummaatiga u kaca ay fuliyeen, iyadoo ciidamada wadajirka ayaa howl galka kaddib kasoo laabtay deegaanka.

Al-shabaab oo dhankeeda ka hadashay, ayaa sheegay in ciidammo isugu jira Mareykan iyo AMISOM ay Weerar ku soo Qaadeen Deegaanka Bariirre, laakiin ay iska-difaaceen, mana bixin faahfaahin intaas ka badan.

Ugu dambeyn, Illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay iska-horimaadka, iyadoo uu ku soo beegmayo howl-galkan iyadoo dhawaanahan hawlgallo noocooda ah ay qaybo ka mid ah Soomaaliya ka fuliyeen ciidammada kumaadoosta Somalia iyo ciidammo Mareykan a

http://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2016/05/kumandos.jpghttp://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2016/05/kumandos-150x150.jpgKhadroSportsWaraka ka imaanaya Deegaanka Bariire oo ka tirsan Gobolka Sh/hoose ayaa Sheegaya in halkaas Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya, AMISOM iyo Ciidamo Mareykan ah ay ka fuliyeen howlgal qorsheysan. Howl-galkan, ayaa waxaa ka qayb qaadanayay Diyaarado kuwa Qummaatiga u kaca ah ee Helicopters-ka, waxaana dagaal muddo socday uu dhexmaray Al-shabaab iyo ciidamadan...News from Somalia & the World