Warqad lagu qoray baraha internetka Soomaalida ayaa lagu sheegay inay ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas taas oo uu ku sheegay in dawladda federaalka ka fiirsato mowqifka ay ka istaagtay siyaasada Khaliifja.

Waxaa wararku sheegayaan in C/weli Gaas uu Xajka u socdo sidaa awgeedna uu doonayo inuu waji kaga samaysto warqaddan uu qoray ee oranaysa dawladda Federaalka haka fiirsato mowqifkeeda ku aadan Khaliijka iyo loolanka ka dhexeeya Dooxa iyo Riyaad.

“Warqaddan madaxweynaha Puntland qoray waxay ka dhigan tahay nin been talaabsaday waayo wax ka galay hawsha ka socota khaliijka maleh saamayna kuma yeelan karto Puntland”, waxaa sidaas yiri nin siyaasi ah oo la hadlay Bosasotimes.com. Siyaasigaan wuxuu sheegay in  mawqifka dawladda Federaalka Soomaaliya ay  qaadatay ay iyada keliya ka soo go’do waayo iyada ayaa u madax banaan arimaha dibadda iyo wixii la xiriira maamul goboleedyadana waxba kama gelin.

Bosasotimes.com

Hoos ka eeg warqadda

http://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2017/08/gaas1.jpghttp://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2017/08/gaas1-150x150.jpgadminPuntlandBosasotimes,C/weli Gaas,Khaliijka  Warqad lagu qoray baraha internetka Soomaalida ayaa lagu sheegay inay ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas taas oo uu ku sheegay in dawladda federaalka ka fiirsato mowqifka ay ka istaagtay siyaasada Khaliifja. Waxaa wararku sheegayaan in C/weli Gaas uu Xajka u socdo sidaa awgeedna uu...News from Somalia & the World