Dad ka badan 100 oo ku dhintay qarax magaalada Kabul ee dalka Afqanistaan
Waxaa bam lagu soo xiray baabuurta caafimaadka ee Ambalaasta lagu qarciyey magaalada Kabul ee dalka Afqaanistaan taas oo sida wararku sheegayaan ay ku dhinteen in kabadan 100 qof iyo 160 dhaawac ah.
Waxaa sheegatay falkan khasaaraha badan dhaliyey kooxda Taliban ee ka dagaalama dalka Afqaanistan iyaga oo sheegay inay sii wadayaan falalkan oo kale ayna ka go’antahay in sii wadaan dagaal kooda ka dhanka dawladda Afqaanistaan iyo wadamada shisheeye ee taageera.
Kooxda Taliban oo ilaa 2001dii dagaal kharaar kula jirtay ciidamada uu hogaaminayo Maraykanka ayaa weli in badan oo dalka Afqaanistan ah gacanta ku haysa. Dagaalka Taliban ayaa ah mid baahsan oo noocyo badan leh, waxayna inta badan ka talisaa dhulka baadiyaha ah ee Afqanistan.
Bosasotimes.com
http://www.bosasotimes.com/dad-ka-badan-100-oo-ku-dhintay-qarax-magaalada-kabul-ee-dala-afqanistaan/http://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2018/01/kabul1.jpghttp://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2018/01/kabul1-150x150.jpgsomali NewsAfqanistan,Kabul,TalibanWaxaa bam lagu soo xiray baabuurta caafimaadka ee Ambalaasta lagu qarciyey magaalada Kabul ee dalka Afqaanistaan taas oo sida wararku sheegayaan ay ku dhinteen in kabadan 100 qof iyo 160 dhaawac ah. Waxaa sheegatay falkan khasaaraha badan dhaliyey kooxda Taliban ee ka dagaalama dalka Afqaanistan iyaga oo sheegay inay sii...admin siyaadyusuf@hotmail.comAdministratorBosaso Times News
Leave a Reply