Dawladda Maraykanka ee uu hogaamiyo ninka lagu magacaabo Donald Trump ayaa doonaysa inay u aqoonsato magaalada barakaysan ee Qudus caasimada Yuhuuda.

Arimaha ku saabsan aqoonsiga Qudus inay tahay caasimada Yuhuuda ayaa ah arin marwalba musharixiinta xukunka madaxtinimada Maraykanka ay sheegaan inay samayn doonaan hadey guulaystaan iyaga oo markaa ku doonaya inay ku helaan taageerada Yuhuuda Maraykanka oo awood weyn dalkaas ku leh xag dhaqaale iyo xag aqooneedba balse waa markii ugu horeysay ee Madaxweyne ku dhaqaaqo inuu safaarada Maraykanka u raro Qudus taas oo muujinaysa taageerada uu u hayo Mr. Trump dawladda Israa’iil iyo xag jirnimadiisa.

Safaarada Maraykanka waxay hada ku taal magaalada Telafiif.

Wadamada Muslimiinta iyo kuwa aduunka badan kood ayaa arinkaa ka soo horjeeda balse waxay u muuqataa diid madoodu shimbirayahow heesa.

Qudus waa caasimadda dalka Falastiin ee xooga Yuhuudu ku haysato muddada badan inta badana dalkii Falastiin wuxuu gacanta ugu jiraa xag jirka Yuhuuda oo doonaya inayba meesha ka saaraan wax la yiraahdo Falastiin iyo wadan magacaas wata.

SC

Bosasotimes.com

 

http://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2017/12/qudus1.jpghttp://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2017/12/qudus1-150x150.jpgadminsomali NewsFalastiin,Israa'iil,Maraykanka,Qudus,SC,yahuudaDawladda Maraykanka ee uu hogaamiyo ninka lagu magacaabo Donald Trump ayaa doonaysa inay u aqoonsato magaalada barakaysan ee Qudus caasimada Yuhuuda. Arimaha ku saabsan aqoonsiga Qudus inay tahay caasimada Yuhuuda ayaa ah arin marwalba musharixiinta xukunka madaxtinimada Maraykanka ay sheegaan inay samayn doonaan hadey guulaystaan iyaga oo markaa ku doonaya...News from Somalia & the World