Madaxa ciidamada dalka Qatar Gen. Khalid Bin Mohamed Attiyah oo booqasho ku tegay magaalada Washinton ee caasimada Maraykanka ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay inay balaariyaan saldhiga ciidan ee Marykanku ku leeyahay dalkiisa.

Dawladda Qatar ayaa sheegtay inay balaarinayso saldhiga ciidan ee Maraykanka si markaas ciidamo dheeri ah iyo qoysaskoodu u degi karaan   saldhiga. Ciidanka Maraykanku waxay soo degeen saldhigaas 2003 markii ay ka soo guureen saldhigii ay ku lahaayeen dalka Sacuudiga

Dawladda Maraykanka ayaa saldhig ciidan ku leh meesha loo yaqaan Al-Udeyd ee dalka Qatar   kaas oo ah kan ugu balaaran ee ku yaal bariga dhexe. Ciidamada Maraykanka ayaa u isticmaala saldhiga Qatar ee Al-Udeyd inay ka duulaan diyaaradahooda dagaalka ee falalka ka fuliya Ciraaq iyo Afqaanistaan iyo meela kaleba. Waxaa saldhiga hada ka jooga Maraykanka in kabadan 10 kun oo askari iyo qalabkooda oo nooc kasta leh

Tan iyo markii uu xumaaday xiriirka wadamada Khaliijka, cuna qabataytana lagu soo rogey dalka Qatar bartamihii sanadkii tegay 2017 ayaa dawlada Qatar waxay bilowday inay xoojiso xiriirka ay la leedahay saaxibadeeda kale sida Turkiga, Iran iyo Maraykanka taas oo ay ku doonayso inay kaga badbaado isku day weerar kaga yimaada dhinaca Sacuudiga iyo xulafadiisa.

SC

Bosasotimes.com

 

 

http://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2018/01/qatarus3.jpghttp://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2018/01/qatarus3-150x150.jpgadminPuntlandsomali NewsQatar,Saudi Arabia,SC,US MiliteryMadaxa ciidamada dalka Qatar Gen. Khalid Bin Mohamed Attiyah oo booqasho ku tegay magaalada Washinton ee caasimada Maraykanka ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay inay balaariyaan saldhiga ciidan ee Marykanku ku leeyahay dalkiisa. Dawladda Qatar ayaa sheegtay inay balaarinayso saldhiga ciidan ee Maraykanka si markaas ciidamo dheeri ah...News from Somalia & the World