Dawladda Israa’iil ee Yuhuuda ayaa maanta amartay in la xiro xafiisyada shirkadda warbaahinta caanka ah ee Aljazeera. Yuhuuda waxay qoonsatay sida ay sheegtay warar fidinta Aljazeera ee ku aadan tacadiyada Yuhuudu u geysato dadka Muslimka ah ee ku nool Falastiin ee ay Yuhuudu haysato.al-aqsa-xayiraad

Raysul wasaaraha Yuhuuda Binjamin Netanyahu ayaa amray in warbaahinta Aljazeera la xiro asaga oo ugu gabanaya inay taageerto argagixisada taas oo ula jeedo sheegida xaqiiqada ka jirta dalka Falastiin iyo xadgudubka Yuhuudu ku haysto Beytul Maqdis oo ah masaajidka sadexaad ee Diinta islaamka marka laga reebo masjidka Xaramka iyo Kan Nebieega suuban (salalaahu calayhi wasalam).

Yuhuuda oo ku andacoota inay tahay dimoqraadiyad dhowrta xaquuqul qowlka ayaa maanta qaadatay go’aankan ka soo horjeeda isgaarsiinta madax banaan. Waxaa wararku sheegayaan in Yuhuudu sidoo kale ugu soo gabatay Aljazeera xanibaada ay ku soo rogeen wadamada kale ee Khaliijka horaankii bishii June.

Bosasotimes.com

 

http://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2017/08/aljazeera.jpghttp://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2017/08/aljazeera-150x150.jpgadminsomali NewsAljazeera,Bosasotimes,YuhuudDawladda Israa'iil ee Yuhuuda ayaa maanta amartay in la xiro xafiisyada shirkadda warbaahinta caanka ah ee Aljazeera. Yuhuuda waxay qoonsatay sida ay sheegtay warar fidinta Aljazeera ee ku aadan tacadiyada Yuhuudu u geysato dadka Muslimka ah ee ku nool Falastiin ee ay Yuhuudu haysato. Raysul wasaaraha Yuhuuda Binjamin Netanyahu ayaa...News from Somalia & the World