Waxaa dib loo furay dekedda Boosaaso si ku meel gaar ah sida warar ku dhowdhow ay sheegayaan.

Waxaa hada dekedda ku soo xirtay doonyo farabadan oo dejinaya badeecado kala duwan oo ay la ciir ciirayeen maalmo badan. Waxaa la sheegayaa in dawladda Puntland ay ogolaatay in dekedda muddo 10 cisho ah furnaato inta laga wada hadlayo dawladda iyo ganacsatada iyo shirkadda DP World ee shidada dekeddu ka bilaabatay.

Maceeshada ayaa aad u gacday taas oo sababtay in mudaharaadyo rabshado wata ay dhacaan maalintii Arbacada ayna dhintaan dhawr qof oo ka mid ah dadkii mudaharaadayay dhaawacyo badana way jiraan.

Lama oga inta ay qaadanayso in xal laga gaaro arimaha kharashyada cusub ee shirkadda DP world soo rogtay iyo diidmada ay kala horyimaadeen ganacsatada guud ahaan ee Puntland.

Bosasotimes.com

Boosaaso

 

 

 

http://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2017/11/dekedda11-1024x263.jpghttp://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2017/11/dekedda11-150x150.jpgadminPuntlandsomali NewsBosaso port,DP World,ganacasatada PuntlandWaxaa dib loo furay dekedda Boosaaso si ku meel gaar ah sida warar ku dhowdhow ay sheegayaan. Waxaa hada dekedda ku soo xirtay doonyo farabadan oo dejinaya badeecado kala duwan oo ay la ciir ciirayeen maalmo badan. Waxaa la sheegayaa in dawladda Puntland ay ogolaatay in dekedda muddo 10 cisho...News from Somalia & the World