Waxaa dhowaan dadka reer Puntland khaasatan shacabka reer Puntland u dhaqaaqeen inay ka jawaabaan baahi uga timi kadib markii doon siday maal lagu qiyaasay 8 milyan oo doolar oo loo diiday inay ku xirato dekedda Boosaaso, ayey shacabka iyo ganacsatada magaalada oo aan u kala harin bilaabeen inay badbaadiyaan doonto iyo hantida saaran.

Waxaa shacabka iyo ganacsatadu bilaabeen inay dhisaan deked yar oo bada dhex gasha si doonta loo gaaro taas oo in muddo ah badda ku jirtay halisna gelisay dhamaan hantida faraha badan ee saaran.

Arinta dhisida iyo buuxinta badda ee dadweynuhu samaysteen waxay tusaale u tahay in hadii loo kaco wax qabsi la qabsan karo. Waxaa hada lagu dhowyahay doontii iyo alaabteedii waxaana la filayaa in dhowaan alaabta doonta laga soo dejiyo.

Dadweynaha Boosaaso iyo ganacsatada waxay muujiyeen hawl kar wanaagsan caalamka oodhanna waxaa laga dheehanay hawsha siday u socoto baraha bulshada.

SC

Bosasotimes.com

 

 

http://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2018/02/dekedcusub2.jpghttp://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2018/02/dekedcusub2-150x150.jpgadminPuntlandsomali NewsBosaso,Deked cusub,Doon,SC,waxwada qabsiWaxaa dhowaan dadka reer Puntland khaasatan shacabka reer Puntland u dhaqaaqeen inay ka jawaabaan baahi uga timi kadib markii doon siday maal lagu qiyaasay 8 milyan oo doolar oo loo diiday inay ku xirato dekedda Boosaaso, ayey shacabka iyo ganacsatada magaalada oo aan u kala harin bilaabeen inay badbaadiyaan...News from Somalia & the World