Waxaa ka dhacay dalka Soomaaliya iyo caalamkaba dhacdooyin badan sanadka 2017 ku waas oo saameyn weyn ku yeeshay nidaamka, horumarka iyo dib udhaca dal iyo dadba dalkeena hooyo. Hadaba shabakada Bosasotimes.com waxay soo koobaysaa dhacdooyinka kuwooda ugu waaweyn ee sanadkan dhamaanaya ee 2017.

Dawladda Federaalka ee Soomaaliya

Doorashadii Madaxweyne Farmaajo ee dalka Soomaaliya

Waxaa 8 bishii Febraayo ee sanadka 2017 lagu doortay magaalada Muqdishu Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo kaas oo bedelay madaxweynihii hore ee Xasan Shiikh Maxamuud. Madaxweyne Farmaajo ayaa la rumaysan yahay inuu ku yimi rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed in kastoo doorashada ay ku koobnayd xildhibaanada qaranka oo keliya.

Waxaa lagu soo dhoweeyey doorashada madaxweyne Farmaajo tamaashaad iyo farxad dhamaan dalka Soomaaliya oo dhan iyo caalamka intiisa kaleba  aan hore loo arag. Waxaa laysugu soo baxay dariiqyada magaalooyinka dalka oo dhan, waxaa habeenkaas la yeerinayey hoonanka baabuurta, ciidanku waxay ridayeen xabado soo dhoweyn ah meel kasta oo ay joogeen, haweenku way mashxaradayeen, dhalintu orod iyo soo dhoweyn ayey ku jireen habeenkaas oo dhan, rag iyo dumar looma kala harin.

Soo dhoweynta doorashada madaxweyne Farmaajo waxaa sidoo kale wehilisay doorshadii uu doortay Raysalwasaaraha qaranka Cali Xasan Kheyre kaas oo asna dadweynaha Soomaaliyeed soo dhoweeyeen.

Talaabooyinki dawladda Cusubi qaaday oo xusida mudan waxaa ka mid ah:

  • Duulimaadka tooska ah ee ka bilowday Muqdishu iyo Nairobi iyo furida xuduuda Soomaaliya iyo Kenya
  • Soo deynta maxaabiistee Soomaaliyeed ee laga soo daayey dalka Itoobiya oo gaarayey ilaa 150 qof
  • Dhexdhexaadnimadii dawladda Soomaaliya ka qaadatay arimaha khilaafka Khaliijka
  • Shirkii lagu qabtay London ee diirada lagu saarayey amaanka, horumarka, maalgashiga iwm ee Soomaaliya
  • Wada xaajoodkii dawladdu ku soo gacan gelisay kanaga soo saartay Alshabaal Shiikh Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur
  • Furitaanka Saldhiga tababarada ciidanka Soomaaliyeed ee Turkigu dhisay magaalada Muqdisho
  • Soo wareejinta maamulka Hawada Soomaaliya oo ilaa 1991dii laga maamulayey dalka Kenya

Dhacdooyinka Dawladda lagu dhaliilay iyagana waxaa ka mid ah:

  • Dhiibistii iyo qafaalashadii Qalbi dhagax
  • Tuhunkii isku dayga burburintii maamulkii Hirshabeele iyo isku daygii kii Galmudug oo dhaman maamuladaas iyo taageerayaashoodu ku eedeeyen dawladda Federaalka inay wax ka waday
  • Maamulada dalka oo samaysay madal isbahaysi oo ay ku doonayaan inay iskaga caabiyaan waxa ay u arkaan khatarta dawladda dhexe ee dalka taas oo maamuladu u arkaan inay danahooda khatar ku tahay.

Dhacdooyinkii shacabka waxyeelada loogu geystay

  • Dhacdadii xanuunka lahayd ee ka dhacday isgoyska Soobe ee magaalada Muqdishu bishii October 2017 kaas oo ay ku dhinteen in kabadan 400 oo qof hanti badanna ku burburtay. Dhacdadaan oo ahaa qarax baabuur weyn lagu soo rakibay laguna dhex qarxiyey isgosga Soobe xili uu ahaa mid buuxa oo camiran, noqdayna qaraxii ugu dhibta badnaa ee Soomaaliya abid ka dhaca amaba caalamka.
  • Kuwa kale oo farabadan oo qaraxyo ah ayaa dalka ka dhacay 2017 khaasatan magaalada Muqdisho sida kuwii lagu bartilmaameedsaday meheradihii laga casheynayey ee dhalinta iyo dadka magaalada Muqdishu habeenkii ku caweyn jireen

 

Dhacdooyinka kale ee dhacay dalka Soomaaliya waxaa ka mid ah:

Dhacdooyinkii Puntland ka dhacay kuwii ugu waaweynaa waxaa ka mid ah:

  • Wareejintii dekedda Boosaaso ee shirkadda P&O (DP World) bishii October 2017 iyo murankii ka dhashay ee u dhexeeyey ganacsatada iyo dawladda Puntland kaas oo ku saabsanaa isbedelka lagu sameeyey hawlaha kharashyada doonyaha la saaro, canshuuraha kala duwan iyo koror lagu sameeyey adeegyada ay ganacsatadu bixin jireen ee dekedda
  • Kalsooni kala noqoshadii dawladda Puntland ee baarlamaanka Puntland sameeyey bishii Agosto 2017 taas oo markii danbe bil ka dib wasiiradii badan kood ku soo noqdeen jagooyin koodii lana ansaxiyey kadib markii sida la sheegay xildhibaanada Puntland ay qaateen laaluush uu bixiyey madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayna sheekadu ahayd ku baaro madaxweynaha ridida dawladda ee aysan ka ahayn isbedel doon iyo u hiilinta shacabka reer Puntland ee xilka u dhiibtay

Somaliland iyo dhacdooyinkii ugu weynaa ee sanadka 2017

  • Somaliland waxaa ka dhacay isbedelo ay ugu muhiimsanayd doorashadii madaxweynaha cusub ee Somaliland bishii November 2017 kaas oo uu ku guulaystay Muuse Biixi oo ahaa musharaxa xisbiga talada hayey ee Kulmiye. Waxaa la filayey in doorashada uu ku soo baxo musharaxa xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Ciro hase yeeshee waxaa guusha helay doorashada oo wax muran ah dhalisay Muuse Biixi mucaaradka Somaliland way aqbaleen sidii caadada u ahaydba wax shida ahna kama dhicin
  • Sidoo kale Somaliland waxaa iyadana saameeyey ku wareejinta dekedda Berbera isla shirkadda P&O ee DP World ee dalka Imaaraadka Carabta taas oo ganacsatada iyo shacabka reer Somaliland ay si weyn uga hor yimaadeen ayna weli taagan tahay xasaradeedu.

Maamulada kale ee dalka waxaa iyagana soo maray marxaladdo kala duwan sanadka 2017:

Hirshabeele:

  • Maamulka Hirshabeele ayaa madaxweynahoodii bedelay kuna bedelay madaxweyne Cusub kadib markii xildhibaanada Hirshabeele ay codkii kalsoonida kala noqdeen si aqlabiyad ah madaxweynihii hore ee Hirshabeele Cali Cabdullahi Cosoble Waxaa muda kadib muran badan iyo farageliin ay samaysay dawladda Federaalka Soomaaliya la yagleelay in madaxweyne cusub loo doorto maamulka Hirshabeele kaas oo uu ku soo baxay madaxweyne Waare.

Galmudug

  • Galmudug iyadana waxaa ka dhacay isbedelo waaweyn taas oo keentay in madaxweynaha talada haya ee Xaaf lagu dayey in meesha laga tuuro kadib markii ay iska hor yimaadeen madaxweyne ku xigeenkii iyo afhayeenka baarlamaanka Galmudug. Arinka oo cirka isku shareertay kuna dhowaatay gacan ka hadal ayaa markii danbe is afgarad lagu dhameeyey madaxweyne Xaafna ku badbaaday.
  • Waxaa kaloo jirtay in dagaalo dhawr ah aka dhaceen Gaalkacayo iyo nawaaxigeeda kuwaas oo labada maamul ee Puntland iyo Galmudug saameysay iskuna eedeeyey in mida kale ay dagaalka hurinayso taas oo keentay in magaalada Gaalkacayo ay kala xiranto.

 

Jubbaland

Jubbaland iyo waxyaalihii ka dhacay waxaa ka mid ah

  • Jubbaland waxay noqotay meeshii lagu qabtay shirkii madasha ay samaysteen maamul goboleedyadu ee ay ku doonayeen inay is wada jir ah dawladda dhexe iskaga caabiyaan in kastoo iyagu ay ku sheegeen xoojinta maamulada iyo wadashaqeynta dawladda Federaalka ah.
  • Guushii kooxda kubada Cagta ee Jubbaland ay ka gaartay hanashada koobka maamul goboleedyada iyo Banaadir ee ka dhacay magaalada Muqdisho bishan Dec 2017 kaas oo ay kaga guulaysteen xulka kubada cagta Puntland oo hore sanadkii 2016 isla xulka Jubbaland cayaartii kama danbeysta kaga badiyey taas oo u noqotay aargudasho iyo horumar ay gaartay Kooxda Jubbaland sanadkan dadka reer Jubbaland ay aad u soo dhaweeyeen.

 

Koonfur Galbeed

Koonfur galbeed waxaa ugu weynaa waxyaalaha ka dhacay:-

  • Ka qayb qaadashadii soo gacan gelinta Mukhtaar Roobow Abu Mansuur
  • Isqabqabsi siyaasadeed oo ay abuureen xubno ka mid ah golaha baarlamaanka Koonfur Galbeed kana dhan ahaa Madaxweyne Shariif Shiikh Xasan oo markii danbe lagu guul daraystay in meesha laga tuuro

Dhinaca  Dibada waxaa ugu waaweynaa wixii ka dhacay:

  • Isku daygii Donland Trump isku dayey inuu mamnuuco dadka ka soo jeeda wadamo lix ah oo Soomaaliya ku jirto muslimna ah inay dalka Maraykanka soo galaan, taas oo dhalisay qalalaaso dalka Maraykanka iyo caalamka kale, hay’adaha xuquuqun insaanka u dooda iyo dadka Maraykanka ah ee fikirka xagjirka ah ee madaxweyne Trump ka soo horjeeda
  • Aqoonsigii Maraykanku aqoonsaday in Qudus tahay caasimada dalka Israaiil taas oo Muslimiinta caalamka iyo wadamada aduunka badankood ka soo horjeesteen
  • Dagaalada ka dhex qarxay Soomaalida Itoobiya iyo Oramada dalkaas oo dad badan ku dhinteen
  • Dilkii Cali Cabdalla Saalax ee dalka Yemen oo Xuutiyiintu ku dileen magaalada Sanca
  • Qalalaasaha ka dhashay go’doominta Qatar ee ay ka danbeeyeen Sacuudiga iyo xulafadiisa Imaaraadka carabta, Masar, Baxrayn iwm.
  • Guushii Asad uu ka gaaray mucaaradka Siiriya una muuqata inuu siduu rabay helay oo ahayd inuu xukunka sii haysto maadaama uu xoog badan ka helay shiicada Iiraan iyo dalka Ruushka iyo jamhadda Xisbulaah ee dalka Lubnaan
  • Magacaabistii dhaxal sugaha boqornimada dalka Sacuudiga uu Boqor Salmaan ugu magacaabay wiilkiisa 30 jirka ah ee Maxamed Bin-Salmaan

Arima badan ayaa dalka ka dhacay aan qormo qura lagu soo koobi karin balse intaas kor ku qoran ayaan ku soo koobnay arimaha ugu waaweynaa ee dalka Soomaaliya ka dhacay.

SC

Bosasotimes.com

 

 

http://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2017/12/20171.jpghttp://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2017/12/20171-150x150.jpgadminArticlesPuntlandsomali NewsBosasotimes,dhacdooyinka 2017,muqdisho,Sanadka 2017,SC,Soomaaliya FarmaajoWaxaa ka dhacay dalka Soomaaliya iyo caalamkaba dhacdooyin badan sanadka 2017 ku waas oo saameyn weyn ku yeeshay nidaamka, horumarka iyo dib udhaca dal iyo dadba dalkeena hooyo. Hadaba shabakada Bosasotimes.com waxay soo koobaysaa dhacdooyinka kuwooda ugu waaweyn ee sanadkan dhamaanaya ee 2017. Dawladda Federaalka ee Soomaaliya Doorashadii Madaxweyne Farmaajo ee...News from Somalia & the World