Waxaa muddo laba asbuuc  gudahood ah ka dhacay dalka Mexico dhul gariiro kala duwan oo dhibaato badan iyo burbur geystay.

Xalay ayaa dhul gariir lagu qiyaasay waxa loo yaqaan Rigta Scale 7.1 uu ku dhuftay meel magaalada caasimada Mexico city u jirtay 120 KM kaas oo burbur badan geystay ayna ku dhinteen in kabadan 200 qof.

Mar aan sidaas u fogeyn ayey ahayd in isla dalka Mexico uu ka dhacay dhul gariir weyn oo lagu qiyaasay inuu ahaa 8.1 Rigta Scale kaas oo ka dhacay meel ka fog meelaha  dadku ku badan yihiin khasaaraha dhimashadana ay noqotay ilaa 40 qof balse kan xalay ka dhacay waxaa la sheegayaa inuu u dhowyahay meelo dadka ku badan yihiin sida caasimada dalkaas ee Mexico City iwm.

Dalka Mexico ayaa ah wadamada ay ka dhacaan dhul gariirada waaweyn iyadoo dhowaan ay tahay sanad guuradii ka soo wareegtay dhul gariirkii dalkaas ku dhuftay in 1982dii dad badana laayey.

Bosasotimes.com

http://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2017/09/mexico3.jpghttp://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2017/09/mexico3-150x150.jpgadminsomali NewsBosasotimes.com,Eartquick,Mexico,Mexico CityWaxaa muddo laba asbuuc  gudahood ah ka dhacay dalka Mexico dhul gariiro kala duwan oo dhibaato badan iyo burbur geystay. Xalay ayaa dhul gariir lagu qiyaasay waxa loo yaqaan Rigta Scale 7.1 uu ku dhuftay meel magaalada caasimada Mexico city u jirtay 120 KM kaas oo burbur badan geystay ayna...News from Somalia & the World