Waxaa isa soo taraya hadalada kulul iyo handadaadaha hawada laysu marinayo oo u dhexeeya Waqooyiga Kuuriya iyo dalka Maraykanka. Dawladda Maraykanka oo uu hogaaminayo Donald Trump ayaa diidan in Waqooyiga Kuuriya ay yeelato kuna guulaysato samaysiga hubka Nugliyeerka.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ku eedeeya madaxweynayaashii ka horeeyey inay waxbadan ka gaabiyeen inay shaqo ka qabtaan hawsha Nugliyeerka ee Waqooyiga Kuuriya uuna doonayo inuu hubka ka dhigo dawladda uu ugu yeero Shuuciga wareersan.

Waqooyiga Kuuriya oo uu hogaamiyo nin yar oo keligii taliye Kim Jong-un ah ayaa doonayo inuu samaysto hubka wax gumaada ee Nugliyeerka taas oo uu ku doonayo inuu ku badbaado asaga oo aaminsan in si kale aysan ku badbaadeyn, waxayna ku andacoonayaan in hubka Nugliyeerku yahay waxa kaliya ee dawladda Maraykanku kaga cabsan karto.

Maraykanka iyo xulafadiisu waxay iyagu dhinacooda sheegayaan inaysan ogolaan karin W. Kuuriya oo nugliyeer yeelata.

Waxaa hada ka socda diyaar garow balaaran oo ay samaynayaan ciidanka cirka ee Maraykanka iyo kuwa Koonfurta Kuuriya ee ay xulafada yihiin badda u dhaw labada Kuuriyadood, waxaana laga cabsi qabaa in dagaal laysu adeegsado hubka wax gumaada uu qarxo .

 

SC

Bosasotimes.com

 

 

http://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2017/12/SouthKorea1.jpghttp://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2017/12/SouthKorea1-150x150.jpgadminPuntlandsomali NewsBosasotimes,Dagaal Nugliyeer,Maraykanka,SC,Waqooyiga KuuriyaWaxaa isa soo taraya hadalada kulul iyo handadaadaha hawada laysu marinayo oo u dhexeeya Waqooyiga Kuuriya iyo dalka Maraykanka. Dawladda Maraykanka oo uu hogaaminayo Donald Trump ayaa diidan in Waqooyiga Kuuriya ay yeelato kuna guulaysato samaysiga hubka Nugliyeerka. Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ku eedeeya madaxweynayaashii ka horeeyey inay...News from Somalia & the World