Waxaa maanta bam gacmeed lagu tuuray gaari ciidan oo marayey aaga Masjid Alraxma  dhinaca bari ee magaaalada Boosaaso. Wararka waxay sheegayaan in gaariga uu ahaa gaari ay wateen ciidanka badda ee Puntland ayna ku dhaawacmeen dhawr askari iyo dad shacab ah oo meesha marayey.

Waxaa kaloo wararku sheegayaan in hal qof oo shacab ah uu dhintay isla markaana ay jiraan iskuul ku dhow goobta wax ka dhaceen ay gaartay firiro ka yimi bamka iyo xabadaha aya askartu riday.

Xaalada magaalada Boosaaso ayaa kacsan oo aan deganayn wixii ka danbeeyey dib u xirida dekedda Boosaaso iyo isqabsiga ka socda maamulka dekedda iyo lacagaha la sheegay in la soo kordhiyey ee ganacsatadu diidan tahay.

 SC

Bosasotimes.com

http://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2017/08/bosasoroad.jpghttp://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2017/08/bosasoroad-150x150.jpgadminPuntlandBosaso,ciidanka badda,Dekedda Boosaaso,dhaawac,SCWaxaa maanta bam gacmeed lagu tuuray gaari ciidan oo marayey aaga Masjid Alraxma  dhinaca bari ee magaaalada Boosaaso. Wararka waxay sheegayaan in gaariga uu ahaa gaari ay wateen ciidanka badda ee Puntland ayna ku dhaawacmeen dhawr askari iyo dad shacab ah oo meesha marayey. Waxaa kaloo wararku sheegayaan in...News from Somalia & the World