Waxaa dab dhibaato naf iyo maalba geystay ka dhacay meel lagu sheegay inay tahay kaalin shidaal oo ku taal bartamaha wadada farasmagaalaha ee caasimada Puntland ee Garoowe.

Barta shidaalka ee gubatay waxaa ku dhintay dad ka badan 7 qof oo dhamaantood u dhintay gubasho soo gaartay. Dadka qaar waxay ku dhinteen goobta dabku ka kacay qaarna cisbitaalka ayey ku dhinteen.

Waxay noqotay dhacdadaasi mid naxdin weyn gelisay dadkii ka agdhowaa goobta qaraxa ka dhacay oo ah bartamaha magaalada meelaha ugu dadka iyo dhaqdhaqaaqa badan. 

Magaalada caasimada ah ee Garoowe ma awoodin inay keento hal dab damis oo ka qayb qaata daminta dabkan khasaaraha geystay waayo maba leh hal dabdamis. Waxay noqotay in dadweynahii magaalada ay isugu yimaadaan oo haween iyo caruur iyo cirooleba ay dabka isku dayaan inay gacmahooda ku damiyaan.

Maxay ka shaqeynaysay dawladda Puntland iyo dawladda hoose ee Garoowe muddadii 19ka sano ah ee ay jirtay, maxaa loogu diyaar garoobi waayey dhibtan dhacday.

Waxaa ka sii daran goobta gubatay waxaa ku oolla sadex meheradood oo shidaalka lagu gado iyo sadex meheradood oo shaaha lagu gato dhabarkana isku haya.

Dhamaan magaalada waxaad arkaysaa goobaha shidaalka iyo goobaha  cuntada oo isa saaran isku dhow aysana jirin wax sharci ah iyo kala danbeyn ka muuqata.

Dadka shacabka ee ku nool Puntland waxay marwalba halis ugu jiraan inay dhibaatooyin noocaan oo kale ah oo laga hortagi karo ay ku dhacaan iyo gurmad la’aan la soo derista marka ay wax dhacaan

SC

Bosasotimes.com

 

http://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2018/02/garoweDab1.jpeghttp://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2018/02/garoweDab1-150x150.jpegadminPuntlandsomali NewsDab damis SC,Garowe Fire,PuntlandWaxaa dab dhibaato naf iyo maalba geystay ka dhacay meel lagu sheegay inay tahay kaalin shidaal oo ku taal bartamaha wadada farasmagaalaha ee caasimada Puntland ee Garoowe. Barta shidaalka ee gubatay waxaa ku dhintay dad ka badan 7 qof oo dhamaantood u dhintay gubasho soo gaartay. Dadka qaar waxay ku...News from Somalia & the World