Waxaa goordhaweyd lasoo gaba-gabeeyay doorashada Gudoomiyaha Ururka Midowga Afrika oo sanadkaan ay ku tartamayeen musharixiin dhowr oo ay kamid aheyd wasiirka arrimaha dibada dowladda Kenya Aamina Maxamed Jibriil.

Xubnaha Ururka Midowga Afrika ayaa u doortay Mudane Moussa Faki Mahamat oo u dhashay Chad,ahna wasiirka arrimaha dibad dalkaas Gudoomiyaha Cusub ee Ururka Midowga Afrika sanadaha soo socda.

Madaxda la tartantay waxaa ka mid ah Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Kenya, Amina Mohame jibriil.
Mudane Moussa Mahmat Inta aan xilka loo dooran wuxuu ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Chad, Ka sokow aqoonta, khibradda, galaangalka iyo xodxodashada Diblomaasiyadeed, 22 dal oo Afrika ah oo Chad ay ka mid tahay ayaa Afkooda rasmiga ahi uu yahay Faransiis.

Waxaan u rajeynayaa in uu xilka cusub ee loo doortay uu ku guuleysto

http://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2016/05/IMG_8899.jpghttp://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2016/05/IMG_8899-150x150.jpgMustafe Mohamedsomali NewsWaxaa goordhaweyd lasoo gaba-gabeeyay doorashada Gudoomiyaha Ururka Midowga Afrika oo sanadkaan ay ku tartamayeen musharixiin dhowr oo ay kamid aheyd wasiirka arrimaha dibada dowladda Kenya Aamina Maxamed Jibriil. Xubnaha Ururka Midowga Afrika ayaa u doortay Mudane Moussa Faki Mahamat oo u dhashay Chad,ahna wasiirka arrimaha dibad dalkaas Gudoomiyaha Cusub ee...News from Somalia & the World