Dhalinta iyo maamulka degmadda Carmo oo iskaashanaya ayaa ku dhaqaaqay arimo horumarineed oo ay ka hirgeliyeen degmadda sida nadaafadeyn, dhireyn iyo mashruuca Ifteenshe oo ku wajahan qurxinta magaalada Carmo.

Sida la wada ogsoon yahay, horumarka dalka wuxu ku jiraa iskaashi dhexmara dawladdaha hoose iyo dadka degmadda oo sida wada jir ah u wada shaqeeya, iskana kaashada mashaariicda lagu kobcinayo qurxinta iyo horumarinta magaalada.

Dadka degmadda Carmo ayaa u istaagay inay horumarka degmadda iska kaashadaan, taas oo ay hormuud ka yihiin dhalinta magaalada Carmo. Xaga waxbarashada, Caafimaadka iyo maamul wanaaga ayaa qayb ka ah arimaha dadka Carmo ay waxweyn ka qabteen.

Dadweynaha degmadda Carmo iyo waxgaradka ayaa mahadweyn u haya dadka degmadda guud ahaan gaar ahaan dhalinta isxilqaantay.

Bosasotimes.com

 

http://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2017/11/iftiinshe1.jpghttp://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2017/11/iftiinshe1-150x150.jpgadminPuntlandsomali NewsCarmo,Dal Iftiinshe,Degmadda CarmoDhalinta iyo maamulka degmadda Carmo oo iskaashanaya ayaa ku dhaqaaqay arimo horumarineed oo ay ka hirgeliyeen degmadda sida nadaafadeyn, dhireyn iyo mashruuca Ifteenshe oo ku wajahan qurxinta magaalada Carmo. Sida la wada ogsoon yahay, horumarka dalka wuxu ku jiraa iskaashi dhexmara dawladdaha hoose iyo dadka degmadda oo sida wada...News from Somalia & the World