Warara ka imanaya dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegaya in raisal wasaarihii hore ee dalka Masar Axmed Shafiiq laga masaafuriyey dalka Imaaraadka.

Axmed Shafiiq oo muddo yar ahaa raisal wasaare xiligii uu dhacayey madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubaarak 2011 ayaa dhowaan ku dhawaaqay inuu doonayo inuu isu sharaxo xilka madaxtinimada dalka Masar asaga oo wixii ka danbeeyey 2012kii ku noolaa dalka Imaaraadka kadib markii uu ku guul daraystay tartankii uu la galay Madaxweyne Maxamed Mursi oo ka socday xisbiga Akhwaanka Masar.

Gabar u hadashay xafiiska Axmed Shafiiq ayaa sheegtay in ciidan boolis ah ay subaxnimadii Axmed Shafiiq ka kaxeeyeen gurigiisa kadibna ay khasab ku saareen diyaarad khaas ah una qaaday dhankaas iyo Qaahira.

Lama oga sababta keentay in khasab dalka looga saaro Axmed Shafiiq asaga oo markii horeba wararku sheegayeen inuu doonayey inuu Masar ku noqdo si uu uga qayb galo abaabulada doorashooyinka sanadka danbe dalkaas ka dhici doona.

Madaxweynaha dalka talada haya Cabdul Casiis A-lsisi ayaa ah nin aan ogolayn in cid kale hadasho dalka Masar lana filayo inuu markale asagu isu sharaxo madaxtinimada dalka Masar.

SC

Bosasotimes.com

 

 

http://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2017/12/masarShafiiq1.jpghttp://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2017/12/masarShafiiq1-150x150.jpgadminsomali NewsAl Sisi,Axmed Shafiiq,Imaaraadka,Masar,SCWarara ka imanaya dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegaya in raisal wasaarihii hore ee dalka Masar Axmed Shafiiq laga masaafuriyey dalka Imaaraadka. Axmed Shafiiq oo muddo yar ahaa raisal wasaare xiligii uu dhacayey madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubaarak 2011 ayaa dhowaan ku dhawaaqay inuu doonayo inuu isu sharaxo xilka madaxtinimada...News from Somalia & the World