Waxaan eegeynaa sida labada degmo ee Qandala iyo Benderbayla ay ugu kala hormarsan yihiin xaga adeegyada bulshada iyo dawligga.

Qandala

Degmadda Qandala sidaan hore u sheegnay wax adeeg bulsho ah oo ka jira maleh, lagamana hirgelin marka laga reebo ceel biyood iyo iskuul ay dadka deegaanka samaysteen.  Waxaa kaloo jirtay in degmadda Qandala ay lahayd MCH tan iyo intii aysan burburin kooxdii Daacishka ahayd ee magaalada Qabsatay sanadkii hore 2016 dhamaadkiisii.

Bender Bayla

Hadaba degmadda Bender Bayla oo ka mid ah degmooyinka qadiimka ah ee ka midka ah degmooyinka 92da ah ee la aqoonsan yahay sida degmadda Qandala kahor burburkii dalka ka dhacay 1991dii.

Degmadda Bender Bayla waxay leedahay dhamaan agabkii bulshada loogu adeegayey sida Cisbitaal qalabaysan iyo shaqaale ka shaqeeya, MCH,  Aambalaasyo, Iskuul, Xafiisyadii Dawliga, Saldhig Booliis oo qalabaysan, Xabsi dadka dembiyada gala lagu xiro, Maxkamad, shaqaale dawladdeed oo balaaran iwm.

Waxaa intaa dheer degmadda Bender Bayla ay ka hawlgalaan hay’addo badan oo ay ka midtahay UNICEF, Save the Children, ICRC, World Vision iyo kuwa kale oo farabadan, dhamaana ka qayb qaata baahinta iyo horumarinta arimaha bulshada degmadda Bayla.

baylaProjects
Hay’ad ka shaqeysa birjikada Solar Bayla joogta

bayla2

Waxay degmadda Bayla iyada oo ka faa’iidaysanaysa golaheeda deegaanka heshay mashaariic waaweyn sida wadooyin laami ah, koronto gelin cadceeda ku shaqeysa , biyo xireeno, dhismayaal dawli oo degmadda agabkeeda u dhamaysira iwm. Mashruuca loo yaqaan (JPLG- Joint Programme on Local Governance) ee horumarinta magaalooyina Puntland ayaa degmadda Bayla qayb lixaad leh ka heshay.

Abaal marin Gudoomiya Bayla dhiibayo
baylaProjects1
Birjigada Cadceeda oo kalumaysata Bayla la siiyey

Waxaa degmadda Bayla   sidoo kale ay heshaa mashaariicda Kaluumaysiga iyo badda la xiriira taas oo taageero weyn ay ka helaan dadka xeebaha Bender Bayla ka kaluumaysta sida Laashash, Shabaag, Aqoon kororsi, maalgelin iwm.   

baylapeople
Shacabka Bayla Horumarka u dabaal degaya

Sidaa awgeed maxaa sababay in labada degmo ay sidaas ukala duwan yihiin xaga horumarka?.

Sababta waxaan ku soo koobi karnaa maamul wanaag iyo rabitaan dadka deegaanka ay danaynayaan horumarka bulshadooda iyo siyaasiyiin taageersan arimaha horumarka degaanka ay ka soo jeedaan.

bayla1Councilka Bayla

baylaDuqa

Waxaa hubaal ah in degmadda Bender Bayla ay heshay maamul wanaagsan iyo bulsho isku xiran miiska waxqaybsigana taagan maalin iyo habeen si ay u helaan xaqooda una soo dhacsadaan.  Kamana soo hareyso in markaa dadka deegaanka Bayla ay fushadaan mashaariicdooda si dadka degmadda uga wada faa’iidaystaan.

Duqa Deg. Bayla oo Abaal Barin mutaystay
Duqa Deg. Bayla oo Abaal Barin mutaystay

Degmadda Qandala waxaan oran karnaa iyada waxaa ku dhacay cagsiga Bayla oo waxaa gabay degmadda dadka u qaabilsan siyaasadda iyo maamulka kuwaas oo ku guul daraystay sida muuqata inay ka mira dhaliyaan hadafka siyaasadeed ee ku aadan u adeegidda bulshada deegaanka Qandala.

Bosasotimes.com

 

http://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2017/08/bayla3.jpghttp://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2017/08/bayla3-150x150.jpgadminGobolka BariPuntlandBayla,Horumar,Puntland,QandalaWaxaan eegeynaa sida labada degmo ee Qandala iyo Benderbayla ay ugu kala hormarsan yihiin xaga adeegyada bulshada iyo dawligga. Qandala Degmadda Qandala sidaan hore u sheegnay wax adeeg bulsho ah oo ka jira maleh, lagamana hirgelin marka laga reebo ceel biyood iyo iskuul ay dadka deegaanka samaysteen.  Waxaa kaloo jirtay in...News from Somalia & the World