Madaxweynaha talada dalka Kenya haya Uhuru Kenyatta ayaa maanta la caleema saarey markii labaad kadib markii muran badan uu ka dhashay doorashadii dhacday bishii Augost dibna loogu noqday doorasho kale oo mucaaradka dalkaasi ay qaadaceen.

Xafladda Caleema saarka oo aad loo ilaalinayey amaankeeda ayaa ku dhacday jawi wanaagsan, waxaana ka soo qayb galay madax farabadan oo Africa iyo caalamka kaleba ka socotay.

 

Madaxda ka qayb gashay caleema saarka madaxweynaha Kenya waxaa ka mid ah Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayey.

Madaxweyne Kenyatta ayaa markale 5 sano dib loo doortay, iyada oo dalka Kenya madaxweynaha xiligiisu uu yahay in laba jeer oo min 5 sano ah la dooran karo wixii intaa ka danbeysana uusan isa soo sharixi karin.

Mucaaradka Kenya way qaadaceen doorashada Mr. Kenyatta kama qayb gelin caleema saarkiisa maanta ka dhacay Nairobi.

SC

Bosasotimes.com

 

http://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2017/11/kenyata3.jpghttp://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2017/11/kenyata3-150x150.jpgadminJubbalandsomali NewsCaleema saarka Kenyatta Bosasotimes,Farmaajo,Kenyatta,SC  Madaxweynaha talada dalka Kenya haya Uhuru Kenyatta ayaa maanta la caleema saarey markii labaad kadib markii muran badan uu ka dhashay doorashadii dhacday bishii Augost dibna loogu noqday doorasho kale oo mucaaradka dalkaasi ay qaadaceen. Xafladda Caleema saarka oo aad loo ilaalinayey amaankeeda ayaa ku dhacday jawi wanaagsan, waxaana ka...News from Somalia & the World