Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ugu hanjabay dadka reer Falastiin in uu taageerada dhaqaale ka jarayo isaga oo ku eedeeyey inaysan ixtiraamin dawladda Maraykanka.

Hadalka Donald Trump ayaa imanaya kadib markii xiriirka Falastiin iyo Maraykanka xumaaday kadib markii dawladda Maraykanka ay aqoonsatay Qudus inay tahay caasimada Yuhuuda.

Maamulka Falastiin ee uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamuud Cabaas Abu-maansin ayaa sheegay inaysan u aqoon sanayn Maraykanka inuu yahay cid laysku halayn karo kana shaqeysa nabadeynta Bariga Dhexe sidaasna ay xiriirka ugu jareen Maraykanka maadaama Maraykanku muujiyey taageerada uu u hayo Israaiil, meeshana ka saaray dhex dhexaad nimadii lagu yaqaaney.

Dawladda Maraykanka ayaa la sheega inay lacag lagu qiyaasan 300 oo milyan oo doolar ay UNka ka shaqeeya Falastiin siiso kuwaas oo inta badan lagu caawiyo dadka gumaysiga ku nool ee reer Falastiin dhinaca waxbarashada, caafimaadka iwm.

Madaxweyne Trump ayaa u muuqda inuu yahay nin siyaasadiisu tahay caga jugleyn iyo indha cadeyn. Dhowaan wuxuu sidoo kale u hanjabay dalka Pakistan oo uu ku eedeeyey inay taageeraan argagixisada ayna qariyaan asaga oo sheegay inay bilyaano doolar sanad walba Pakistan siiyaan waxna aysan ka helin. Taas oo dawladda Pakistan ka carootay ugana jawaabtay hadalo kulul oo ah hadaad wax isku hayso iskeen.

SC

Bosasotimes.com

 

http://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2017/12/Trump1.jpghttp://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2017/12/Trump1-150x150.jpgadminsomali NewsFalastiin,Maraykanka,SC,TrumpMadaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ugu hanjabay dadka reer Falastiin in uu taageerada dhaqaale ka jarayo isaga oo ku eedeeyey inaysan ixtiraamin dawladda Maraykanka. Hadalka Donald Trump ayaa imanaya kadib markii xiriirka Falastiin iyo Maraykanka xumaaday kadib markii dawladda Maraykanka ay aqoonsatay Qudus inay tahay caasimada Yuhuuda. Maamulka Falastiin ee...News from Somalia & the World