Buug cusub oo uu qoray nin Maraykan ah oo la yiraahdo Michael Wolff ayuu ku sheegay in madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ay shaqaalaha Aqakal Cad u yaqaaniin inuu yahay caruur oo kale markastana jecel yahay in la faaniyo. Buuga cusub cinwaankiisu waa Fire & Fury, Inside the Trump White House.

Buuga oo ka careysiiyey Donald Trump ayaa soo baxay dhowaan waxaana qoraalada badankeed ee ku qoran laga soo xigtay Steve Banon oo hore ugu ahaa madaxweyne Trump u qaabilsanaha dhisida siyaasada (Political Strategy) uuna shaqada ka cayriyey madaxweynuhu bishii Agosto 2017.

Buugan oo si aad ah loo hadal hayo waxyaalo badan oo ceeb ku ah madaxweynahana ku qoran yihiin ayaa xiisad ka dhaliyey shaqaalaha Aqalka Cad iyo siyaasada Maraykanka, saxaafaduna waxay u tahay hadal hayn farabadan.

Aqalka Cad ayaa ku andacoonaya inaan buuga la daabicin lana iibsan iyaga oo ku hanjabay inay sharciga la tiigsanayaan balse qoraaga buuga Michael Wolff ayaa warbaahinta u sheegay in madaxweynaha iska hadlay uusana waxba ka bedelayn sheekooyinka ku qoran buuga ayna yihiin xaqiiqooyin dadka Maraykanka u baahan yihiin inay ogaadaan.

SC

Bosasotimes.com

 

http://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2018/01/firefury1.jpghttp://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2018/01/firefury1-150x150.jpgadminPuntlandsomali NewsFire and Fury,Michael Wolfff,SC,TrumpBuug cusub oo uu qoray nin Maraykan ah oo la yiraahdo Michael Wolff ayuu ku sheegay in madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ay shaqaalaha Aqakal Cad u yaqaaniin inuu yahay caruur oo kale markastana jecel yahay in la faaniyo. Buuga cusub cinwaankiisu waa Fire & Fury, Inside the Trump White...News from Somalia & the World