Waxaa wararka ka imanaya dalka Maraykanka iyo madaxweynaha dalkaas ee Donald Trump uu doonayo inuu ku dhawaaqo in uu u soo raro safaarada Maraykanka magaalada barakaysan ee Qudus taas oo inta badan wadamada Muslimiinta ay ka soo horjeesteen kuna tilmaameen arin aan la aqbali karin.

Arinta soo rarida iyo ku dhawaaqida madaxweynaha Maraykanka in Qudus tahay caasimada Israa’iil ayaa dhalisay xiisad dhinaca diblumaasiyada una dhexaysa wadamada Muslimiinta iyo Maraykanka.

 

Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa sheegay inay tahay arin khatar ah hadii Maraykanku u aqoonsado Qudus inay tahay magaalada Yuhuuda keliya ay leedahay, asaga oo ku baaqay in arinkaas uu dhalin aro in Turkigu uu xiriirka u jaro wadanka Yuhuuda.

Magaalada barakaysan ee Qudus ayaa u ah caasimad dadka reer Falastiin khaasatan dhinaca bari ee magaalaa in kastoo aysan haysan wadan Yuhuuduna ay xoog ku haysato Qudus wixii ka danbeeyey dagaalka 1967 ee u dhexeeye wadamada Carabta iyo Yuhuuda oo taageero ka helaysa wadamada reer Gal-beedka.

SC

Bosasotimes.com

 

 

http://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2017/12/Trump1.jpghttp://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2017/12/Trump1-150x150.jpgadminsomali NewsErdogan,Israa'iil,Maraykanka,Qudus,SC,YuhuudaWaxaa wararka ka imanaya dalka Maraykanka iyo madaxweynaha dalkaas ee Donald Trump uu doonayo inuu ku dhawaaqo in uu u soo raro safaarada Maraykanka magaalada barakaysan ee Qudus taas oo inta badan wadamada Muslimiinta ay ka soo horjeesteen kuna tilmaameen arin aan la aqbali karin. Arinta soo rarida iyo ku...News from Somalia & the World