Munaasibad si weyn loo agaasimay oo loogu talo galay in Madaxweynaha DFS Maxmed C/laahi Farmaajo uu ku sagootiyo Puntland ayaa hal-hays looga dhigay “Dhagax dhiga wadada Boosaaso Qandala”.

Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uusan ka tegin Puntland wuxuu dhagax dhigay wadadaas oo noqon doonto mid isku xirta magaalooyin badan oo ku yaal xeebta badda Cadmeed ee Puntland, taasoo qiyaastii gaaraysa 90Km.

Magaalooyinka Jihada Bari ka xiga magaalada Boosaaso ayaa ah kuwo dacalka ku haya buuraleyda Golis, isla markaasna ay aad u liitaan dariiqyada loo maro, waxaana shucuubta dhulkaas ku nool ay inta badan isticmaalaan gaadiidka badda.

Degmadda Qandala oo ka mid ah degmooyinkii soo jireenka ahaa ee Soomaaliya ayaa waxaa soo maray sanado dahabi ah oo ay ka dhaxashay magaca “Gacanka Hoddanka ah” waxaana wakhtigaas oo ku beegnaa sanadihii 1980-maadkii ka soo degi jiray shixnado ganacsi oo ka imaan jiray wadamada Khaliijka Carabta, taasoo ay ku xirnaayeen inta badan Ganacsatada Soomaalida.

Magaaladda Qandala ayaa waxaa kaloo lagu xasuustaa wax soo saarka Kalluumeysiga iyo weliba Warshadii Kalluunka ee sida weyn loo jeclaa wax soosaarkeeda.

Haseyeeshee, wixii ka dnabeyeey 1988dii markii ay dhismeen dekedda Boosaaso iyo Jidka Laamiga ah ayaa magaaladaasi waxay u muuqatay mid ay soo faaruqiyeen bulshadii ku nooleyn.

Sandkii la soo dhaafay ayaa Magaalada Qandala waxay u gacan gashay dagaalyahano ka tirsan ururka Daacish ee ka dagaalama buuraleyda Cal Miskeed.

Hadda oo Madaxweyne Farmaajo dhagax dhigay wadada Boosaaso iyo magaalada Qandala waxaa muuqata marka uu hirgalo jidkaasi in ay magaaladaasi la soo noqon doonto Ilbaxnimadii ganacsiga ee ay lahaan jirtay, waxna ka bedeli doonto nolosha dadka nolosha dadka noloshoodu ku xiran tahay Kalluumeysiga, Xabkaha iyo Xoolaha nool oo iyagu weli ku sii baaqi ah magaalada Qandala.

Jidkan ayaa wuxuu kaloo yareyn doonaa halista dhinaca badda ee ka soo wajahda dadweynaha ku dhaqan degmooyinka Boosaaso, Qandala iyo Caluula.

SC

Bosasotimes.com

 

 

http://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2018/01/bosasoqandala1.jpghttp://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2018/01/bosasoqandala1-150x150.jpgadminPuntlandsomali NewsBosaso,dhagaxdhig wado,Farmaajo,Qandala,SCMunaasibad si weyn loo agaasimay oo loogu talo galay in Madaxweynaha DFS Maxmed C/laahi Farmaajo uu ku sagootiyo Puntland ayaa hal-hays looga dhigay “Dhagax dhiga wadada Boosaaso Qandala”. Madaxweyne Farmaajo ayaa intii uusan ka tegin Puntland wuxuu dhagax dhigay wadadaas oo noqon doonto mid isku xirta magaalooyin badan oo ku...News from Somalia & the World