Magaalada Boosaaso ayaa si weyn loogu soo dhaweey  Madaxweynaha Soomaaliya kaas oo booqasho shaqo ku marayey deegaanada Puntland tan iyo 7dii bishan Janaayo, Wafdiga madaxweynaha waxaa safarka ku weheliya  madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamad Cali Gaas, wasiiro iyo xildhibaano ka kala tirsan Golayaasha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland.

Wetiga ayaa dhulka soo maray waxayna la kulmayeen meel kasta oo ay tagaan soo dhoweyn aad u baalaran. Madaxweynaha Soomaaliya mudane Farmaajo ayaa inta uusan Boosaaso iman waxuu ku nastay magaalada Carmo halkaas oo uu kula kulmay bulshada noocyadeeda kala duwan. Madaxweynaha ayaa intii uu joogay magaalada Carmo wuxuu booqday goobo muhiim ah oo ay ka mid tahay Academiyada booliska Soomaaliyeed ee degmada Carmo.

Bulshada Boosaaso qeyabheeda kale duwan oo gacmaha ku sida calanka Soomaaliya iyo kan Puntland ,isla markaana taagan hareeraha waddooyinka magaalada iyo mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa Madaxwynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdigiisa si heer sare ah ugu soo dhoweeyay magaalada Bosaso.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda la kulmaan qeybaha kale duwan ee bulshada iyo waxgaradka Bosaso.

Ammaanka magaalada Bosaso ayaa si weyn loo adkeeyay,waxaana magaalada lagu dhex arkayey Ciidamada ammaanka sugagaya .

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu safarkiisa Puntland ku soo gabagabeeyo magaalada Boosaaso uuna u dhoofo maalinta Sabtida ah dhinaca magaalada Gaalkacayo ugana gadbayo dhinaca Galmudug.

SC

Bosasotimes.com

 

 

http://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2018/01/farmaajoBosaso1.jpghttp://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2018/01/farmaajoBosaso1-150x150.jpgadminPuntlandsomali NewsBosaso Farmaajo,Carmo,Puntland,SC,wefdiga madaxweyne FarmaajoMagaalada Boosaaso ayaa si weyn loogu soo dhaweey  Madaxweynaha Soomaaliya kaas oo booqasho shaqo ku marayey deegaanada Puntland tan iyo 7dii bishan Janaayo, Wafdiga madaxweynaha waxaa safarka ku weheliya  madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamad Cali Gaas, wasiiro iyo xildhibaano ka kala tirsan Golayaasha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya...News from Somalia & the World