Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed   Cabdillaahi Farmaajo ayaa safar dhinaca dhulka ah ugu ambabaxay magaalada Boosaaso asaga oo sii maraya magaalooyina Qardho, Carmo iyo kuwa kale ee taxan wadada laamiga ah ee isku xirta Garoowe iyo Boosaaso.

Waxaa la filayaa in madaxweynaha Federaalka Soomaaliya uu la kulmo bulshada rayid ka ah, madax dhaqameedyada magaalada Qardho iyo degmadda Carmo inta uu safarkiisa ku sii jiro.

Magaalada Carmo waxaa la filayaa in madaxweynaha uu booqdo Xarunta tababarada ciidamada Soomaaliiyed ee Carmo Academy taas oo in muddo ah laga tirsanayey in dawladda Federaalka aysan tababarada ku qabsan taas oo la filayo in booqashada madaxweyne Farmaajo wax badan ka bedesho.

Waxaa la filayaa in madaxweynuhu sidoo kale booqdo wadada Ceel daahir iyo Ceergaabo, iyada oo wararku sheegayaan sidoo kale inuu wado cusub dhagax dhigayo tuulada Kala Bayr ee gobolka Bari taas oo noqonaysa mashruuc wado oo balaaran waxtar weynna u keenaya Gobolka Bari guud ahaan.

Madaxweynaha ayaa usii gudbiya magaalada Boosaaso halkaas oo uu la kulmi doono soo dhoweyn balaaran uuna kulamo la yeelan doono odayaasha, ganacsatada iyo wax garadka magaalada ganacsiga ee Puntland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa safarkiisa Puntland uga faa’iideysanaya inuu ogaado xaalada guud ee dalka iyo mashaariicda horumarineed ee loo baahan yahay asaga oo balan qaaday in waxkasta oo dawladda Federaalka ay magaca ummada Soomaaliyeed ku soo hesho uu dalka oo dhan si siman ugu qaybinayo.

SC

Bosasotimes.com

 

 

http://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2018/01/farmaajo01.jpghttp://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2018/01/farmaajo01-150x150.jpgadminPuntlandsomali NewsBosasotimes,Carmo,Farmaajo,Puntland,Qardho,SCMadaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed   Cabdillaahi Farmaajo ayaa safar dhinaca dhulka ah ugu ambabaxay magaalada Boosaaso asaga oo sii maraya magaalooyina Qardho, Carmo iyo kuwa kale ee taxan wadada laamiga ah ee isku xirta Garoowe iyo Boosaaso. Waxaa la filayaa in madaxweynaha Federaalka Soomaaliya uu la kulmo bulshada rayid...News from Somalia & the World