Waxaa maanta lagu doortay magaalada Muqdisho madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo kaas oo helay codadka xildhibaanada 184 cod halka madaxweynihii hore Xasan Shiikh Maxamuud helay 97 cod oo keliya, Shiikh Shariif Sh. Axmedna helay ilaa 46 cod.

Waxaa mudan in la ogaado in dadka badankiis ee Soomaaliyeed meelkasta oo ay  joogan ay rabeen in madaxweynaha dalka loo doorto Mudane Farmaajo taas oo runtii ah arin muhiim ah lana oran karo xildhibaanada cusubi waxay ka tarjumeen rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Kadib doorashadii Farjaamo waxaa suuqyada magaalada Boosaaso iyo shaaracyada is qabsaday tamashaad iyo dabaal deg balaaran oo ay dhigayaan dhamaan shacabka Boosaaso rag iyo dumar, caruur iyo waayeel, ciidamadu waxay ridayeen xabado ay ku taageerayaan doorashada Farmaajo.

Hadaba waxaan leenahay bahda Bosasotimes.com soo dhow mudane madaxweyne. Waxaa lagaaga fadhiyaa inaad ficil u bedesho balamahaagii aadna iska ilaaliso inaan shacabka Soomaaliyeed ku hungoobin malahooda iyo rabitaanka ay ku rabeen inaad madaxweyne u noqoto.

Waxaan sugnaa waa hadba sida aad u qaabisho caqabadaha kala duwan ee dalka ka jira waxaana ku leenahay nasiib wanaagsan iyo in Alle kugu guuleeyo kuuna fududeeyo waajibaadka balaaran ee ku sugaya.

Bahda Bosasotimes.com

Boosaaso

 

http://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2017/02/farmaajo.jpghttp://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2017/02/farmaajo-150x150.jpgadminPuntlandsomali NewsBosaso,Bosasotimes.com,FarjaamoWaxaa maanta lagu doortay magaalada Muqdisho madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo kaas oo helay codadka xildhibaanada 184 cod halka madaxweynihii hore Xasan Shiikh Maxamuud helay 97 cod oo keliya, Shiikh Shariif Sh. Axmedna helay ilaa 46 cod. Waxaa mudan in la ogaado in dadka badankiis ee Soomaaliyeed...News from Somalia & the World