Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qeybgalaya shirka Madasha Dhaqaalaha Aduunka  kaasi oo ka furmi doona magaalada Davos ee Dalka Switzerland.

Shirkan oo sanadle ah ayaa waxaa  ka qeybgala hogaamiyaal ka kala socda wadamada dhaqaalaha ku horumaray, ganacsatada waaweyn ee  caalamka iwm.

Waxaa la filayaa in looga hadlo arrimaha kobaca dhaqaalah Adddunka, meesha dhaqaalaha aduunka ku socdo, isbedelada dhaqaale ee aduunka ka jira, wadamada la maal gashan karo iwm. Waxaa kaloo looga hadlaya  sidii loo caawin lahaa wadamada soo koraya ee Soomaaliya ay kujirto loogana caawin lahaa dhinaca horumarka maalgashiga iyo fursadaha ka jira ,wuxuuna furmayaa bishan Janaayo gudaheeda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa kamid ah hogaamiyaal ka socda Qaaradda Africa  oo shirka lagu casumay waana markii ugu horeysay ee Soomaaliya shirkan ka qayb gasho ,waxaana lafilayaa in uu kulamo la yeesho madaxda ka socota wadamada ku horumaray dhinaca dhaqaalaha kalana hadlo sidii Soomaaliya u maal gashan lahaayeen.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya wuxuu maanta la kulmay madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Soomaaliya,isagoo ka dhageystay warbixin ku saabsan halka ay marayaan howlaha Wasaaradda.

Wuxuu kula dardaarmay madaxda Wasaaradda Maaliyadda in ay sii kordhiyaan dadaalkoodi ku aadan sidii loo horumarin lahaa wax soo saarka dhaqaalaha Dalka.

SC

Bosasotimes.com

 

 

 

http://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2018/01/davos2-1024x576.jpghttp://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2018/01/davos2-150x150.jpgadminPuntlandsomali NewsDavos,Khayre,SC,Soomaaliya,World Economic ForumRa’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ka qeybgalaya shirka Madasha Dhaqaalaha Aduunka  kaasi oo ka furmi doona magaalada Davos ee Dalka Switzerland. Shirkan oo sanadle ah ayaa waxaa  ka qeybgala hogaamiyaal ka kala socda wadamada dhaqaalaha ku horumaray, ganacsatada waaweyn ee  caalamka iwm. Waxaa la filayaa in...News from Somalia & the World