Qaybtii 2aad

 

Danta guud iyo Dawladnimada

Ummad kasta oo dunida jirta nasiibna u heshay inay yeelato qaran u gaar ah sida Soomaalida oo kale waxay samaysataa dawlad metesha ummada kana shaqeysa danahooda si markaas dadkaasi u helaan nabad gelyo, dhaqaale, cadaalad, wax soo saar iwm.

Hadaba si danta ummada ee baahiyaha kala duwan leh u meel marto dawladdu waxay u baahan tahay hanti iyo dhaqaale ay ku shaqeyso. Waxaana ugu muhiimsan hantida dawlad u baahantahay waxa loo yaqaan kaabayaasha dhaqaalaha sida wadooyin, dekeddo, ayrabooro, xafiisyo laamaha kala duwan ee dawladdu ku shaqeyso, saldhigyo ciidamada amaanka kala duwan yeeshaan iwm.

Sida aan wada ognahay dalka Soomaaliya wuxuu ka mid ahaa wadamada sida weyn u maalgeshay kaabayaal dhaqaale oo fara badan. Waxaad inta soo gaartay ogtihiin in dalka Soomaaliya degmo  kasta ay lahayd dhamaan xarumihii maamul iyo  bulsho sida xafiisyadii dawliga, iskuulkii, cisbitaalkii, saldhigii iwm. Mana jirin magaalo degmo ku magacaaban oo aysan u dhamaystirneen dhamaan hantida ma guurtada ah ee dadka loogu adeego.

Dalku wuxuu lahaa wadooyin laami ah oo farabadan, dekeddo caalami ah, ayrabooro waaweyn, koronto dhalin baahsan, wershado kala duwan oo waxkasta soo saara, goobo dalxiis, maraakiib ciidan, ciidan awood leh oo kala duwan iwm. Dhamaan hantidaas iyo nidaamkaas muddo yar gudahood ayuu meesha ka baxay wixii ka danbeeyey rididii dawladdi Maxamed Siyaad Barre 1991dii.

Muddo yar gudahood waxaa la waayey dhamaan adeegyadii bulshada sida iskuuladii, caafimaadkii, amaankii, dhaqaalihii iyo shaqadii, waxaa bedelay boob, hanti burburin, bililiqaysi, deris deris dila iyo fawdo faraha looga gubtay sababtayna meesha maanta Soomaaliya taalo.

Hantidii ma guurtada ahayd ee muddada la soo dhisayey ee aan kor ku sheegnay waxaa ku dhacay burbur baahsan iyo dayactir la’aan, qalabkii iyo hantidii xafiisyada dawladda waa la qaatay, meelay mareena lama oga, ciidankii afka ciida u daray kuwii lagu sheegi jiray libaaxyada africa  meelna laguma arag ilaa hadana lama hayo. Kaabayaashii dhaqaalaha bubur xoogleh ayaa loo geystay waxayna noqdaan fadhiid aan la intifaacsan muddo dheer. Korontadii lama arag, wershadihii  dalku lahaa ee kala duwanaa war koodaba daa…

Akhristow soo ma aragtid burburinta hantida dadka ka dhexeysa waxay ku dhaxalsiisay, dalkeenii meeshay dhigtay iyo sida looga soo kabsan la’yahay. Maxaa weli dadkeena u fahmi la’yihiin inay ilaashadaan si wadajir ah hantida guud ee dadka ka dhexeysa.

Magaalooyinka qaarkood waxaa laga dhisay wadooyin cusub khaasatan magaalada Xamar oo walaaleheena Turkigu ay maal geliyeen wadooyinkii halbowlaha u ahaa caasimadda, soona celiyey bilixdii magaalada Muqdisho iyo isu socodkibai. Balse waxaad arkaysaa markaad marto wadooyinka dhowaan dib loo dhisay dayactir la’aan ka muuqata durba, wadadii oo ciid kasoo buuxsamayso, qashinkii oo wadada dhinacyadeeda lagu shubayo iskana daadsan, biyihii wasakhda ahaa oo wadada lagu daynayo  dadkuna uwada arkaan habeen iyo maalin.

Dhamaan dalkeena meelkasta oo ka mid ah sheekadu waa iskumid, hantida dadweynaha looma dhowro sida kuwa khaaska loo leeyahay lamana dayactiro.

Akhristow waxaan filayaa inaad aragtay dhisme ama mashruuc kale  danguud oo la dhamaystiray, lacag badan ku baxday, hay’adi maalgelisay ama qolyo kaleba, si wanaagsanna loo dhisay, rag madax ku sheeg  ay xafladdii furitaanka yimaadeen kana hadleen sida ay ugu faraxsan yihiin mashruucaan ama dhismahaan qiimaha leh inuu furmo iyo….  Balse akhristow waxaan dareemayaa muddo yar kadib hadaad dib usoo booqato meeshii quruxda badnayd shalay inay ka muuqato dayac xumo iyo qalabkii kala duwanaa oo burbursan ama wasakh ay haraysay, waxaa laga yaabaa haduu dhisme ahaa inuuba iska xirnaado oo aan la intifaacsan iwm. Maxaa sababay in arinkaan uu dhaco maalin kasta dalkeena ?, ayna noqoto arinku jug-jug meeshaada joog.. Maxaa kula kudboon hadaad tahay Soomaali..

Iskaa Wax u Qabso.

Maadaama aan ka soo hadalnay sida inta badan dalkeena aan loo ilaalin hantida dadweynaha ka dhexeysa, waxbadan oo danta guud ahna  ku dhuntu burburka iyo xumeynta hantida dadweynaha ama dawladda waxaa haboon in shacabka Soomaaliyeed meelkasta ay joogaan ay ku midowbaan sidii ay iyagu u ilaalin lahaayeen hantida asaaska u ah nolosha iyo dawladnimada ayna la yimaadaan isku tashi ku dhisan iskaa wax u qabso .

Hadaba si aad uga qayb qaadato ilaalinta hantida dadweynaha, kuna dhaqaaqdo shaqo mutadawacnimo waxaa lagama maarmaan ah inaad ka hortagto fikirka khaldan ee oranaya maxaa aniga iga galay, dadkoo dhan bay ka dhexeysa, hala burbursho hadii la doono taas oo dadka badankood caado ka dhigteen dhiiri gelina u noqota kuwa hantida dadweynaha boobaya ama xumaynaya.

Qofka muwaadinka ah waxaa laga rabaa inuu dadnimo yeesho, isku duubnida ka shaqeeyo, kaashado deriska iyo dadka kale ee wanaaga jecel kuna dhaqaaqo iskaa wax u qabso lagu ilaalinayo hantida dadweynaha laguna dayactirayo.

Tusaale hadii dadweynaha magaalada/degmada isu qaybiyaan xaafado, xaafad kastana samayso maalmo iyo saacado ay isusoo baxaan si ay wadada qashinka iyo ciida uga guraan ama uga ciliyaan. Maxaa diidan in taas la sameeyo? .

Hadii cisbitaalka degmada shaqo dayactir ah u baahan yahay ama iskuulka ama saldhiga sidoo kale in dadweynaha is abaabulaan oo dayactir ku sameeyaan, iskoodna wax u qabsadaan intii ay hay’ad shisheeye sugilahaayeen iwm maxaa iyadana diidan. Soo ma ogid biyo gacmahaaga looga dhergaa!.

Ugu danbeyn waxkasta bulshadu damacdo inay toosiso way toosin kartaa, waa hadii ay iyagu u soo jeedaan, garanayaana ahmiyada ay leedahay in wax la hagaagsado intii aad ka sugi lahayd gacan kale oo kaa fog inta badanna aan kuu soo socon inay wax kuu qabato.

Waxaa loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed fahmaan jiritaanka nidaam lagu nasto, lagu seexdo, nabad iyo nolol lagu helaa wuxuu ku xiran yahay hadba inta loo istaago hormarinta danta guud iyo ilaalinta hantida dadka ka dhexeysa si markaas loo helo dawladnimo baahsan  iyo nidaam dadka kafeeya horumarna gaarsiiya.

Ogow inta ay taagan tahay  maxaa iga galay danguud, waxaa iyana taagan maxaa iga galay dawladnimo, horumar iyo nabad iyo nololna warkeedaba daa.

Dhamaad.

Qore: Siyaad Cali Yuusuf

http://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2017/08/iskaawax-u-qabso.jpghttp://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2017/08/iskaawax-u-qabso-150x150.jpgadminArticlesPuntlandsomali NewsDanta guud,Iskaa wax uqabsoQaybtii 2aad   Danta guud iyo Dawladnimada Ummad kasta oo dunida jirta nasiibna u heshay inay yeelato qaran u gaar ah sida Soomaalida oo kale waxay samaysataa dawlad metesha ummada kana shaqeysa danahooda si markaas dadkaasi u helaan nabad gelyo, dhaqaale, cadaalad, wax soo saar iwm. Hadaba si danta ummada ee baahiyaha kala...News from Somalia & the World