Qoraalkan cinwaankiisa waxaa laga yaabaa inaad la yaabto markaad aragto balse xaqiiqda waxay tahay dadka Soomaaliyeed intooda badan inay sidaas u hadlaan markay noqoto ilaalinta iyo dhowrista hantida guud ee dadka kawada dhaxaysa ama hantida loo yaqaan hantida dawladda.

Waxaad arkaysaa maalinwalba hantidii guud ee dalka iyo dadka oo lagu ciyaarayo, la dhunsanayo, aan la dayactireyn, dad kooban iskaga takrifalayaan iwm. Waxaad kaloo arkaysaa hantidii dadka ka dhexeysay oo la xumaynayo anagoo u wada jeedna/aragna,  oo dad wax magarato ah ay xumaynayaan hadey noqon lahayd wadooyin, guryo, xafiisyo, hadey noqon lahayd hanti kale iwm.

Markaad marto magaalooyinka dhexdooda waxaad arkaysaa wadadii laamiga ahayd oo biyo wasakha iyo qashin lagu shubayo dadka oo uwada jeeda cidna aysan yac ka oranayn, ka caroonayn, kan ku shubaya waa kan ugu baahida badan ee isticmaala wadada sida maqaaxi layda, bakhaar layda, baabuur layda iwm.  Kuwa ugu manaafacaadsiga badan ayaa ugu xumayn badan hantida dadweynaha.

Tusaale maqaaxiyaha iyo meheradaha cuntada ee biyaha iyo qashinka ku shuba wadooyinka waxaa macaamiisha iyo adeega usoo maraan wadada ay xumaynayaa oo hadii aan wadadu jiriin adeega deg deg uma heleen, macaamiisha badan ee jidka maraysa ma heleen, hadana asaga ayaa ugu daran waxa wadada xumeeya oo qashinka iyo biyaha maalin walba ku shuba.

Dawlad hoose oo ganaaxaysa maleh, wacyi gelinaysa ma jirto, dadweynuhu waa daawanayaan oo warka daa maleh, asagu marna garan maayo qashinka fogee oo wadada ha xumayn, Alle uga baq hantida maguurtada ah ee dadkoo dhan ka dhexeysa. Wadadii shalay la dhisay oo waxaad arkaysa ciid iyo qashin la ciirciiraysa oo baabuurta dadweynaha iyo kuwa kaleba ay dulmarayaan mararka qaarna aad arkaysid wadadii oo tuuro yeelatay iwm.

Guryaha iyo xafiisyada dawladda iyagana sidoo kale ayaa loogu takhri falaa lamana dayactiro, lama dhawro, haduu qaybi dunto lama eego, qaarkood degaan baa laga dhigtay oo caruurbaa lagu dhalay, qaarkod waa burbureen sidii loo daawanayey ama loo sugayey hay’ad shisheeye oo dayactirta iwm.

Meelaha qaarkood tuulooyin ayaa wax guryo u eg laga dhisay, lamana isticmaalin markii danbena dadkii deegaanka ayaa saqafkii, daaqadihii, iyo albaabadii ka furtey, waxayna u egyihiin markaad aragto dundumooyin. Isma dhahaysid meeshaan lacag badan ayaa ku baxday, wakhtiga la dhisayna ma foga.

Gaadiidka dawladda waa layska wataa, lagu shaqeystaa hadey kuwa caafimaad yihin iyo hadey kuwa kale yihiin. Waxaad arkaysaa ambalaas raran oo niman kiraysanayaan iyada oo dadkii loogu talo galay ay la’yihin wax cisbitaal lagu geeyo ama u fidiya gargaar degdeg ah.Gaadiidka amniga waa sidoo kale, booliis iyo militeri gaadiid kooda waa layska wataa, hadey xumaadana halkooda ayaa looga tagaa wax badbaado ahna haba sheegin.

 

Maxaa sababay in hantida dadweyne la dayaco?

Su’aasha kore jawaabteeda qof kasta waa u furan tahay inuu ka jawaabo waayo waxyaalo badan ayaa sabab u ah in dadka Soomaaliyeed ilaashan waayeen hantida ka dhexeysa ha ahaato magaalo/degmo qura ama dalka oo dhan.

Jawaabta aan anigu oran karo waxay leedahay qodobo badan sida aan qabo oo aan ku soo koobi karo:

  • In dalkeena intii dawlad soo martay aysan dadweynaha ku wacyi gelin ilaalinta hantida guud iyo hababka loo dhawro, ayna tahay deeq lawada wadaago dhawristeeduna waajib ku tahay qof kasta
  • In dawladihii kala danbeeyey ee dalka soo maray ay muujiyeen in hantida dadweyne ay tahay mid si gaar ah loo leeyahay lagana ilaashay shacabka intiisa kale taas oo dhalisay in dadweynuhu u arkaan goobo iyaga loo samaystay in lagu xumeeyo laguna dhibo sida xabsiyada, maxkamadaha goobaha kale ee dawladeed iwm
  • In mucaaradka Soomaaliyeed ay bulshada ka dhaadhiciyeen waxkasta oo dawladda gacanteeda ku jira waa cadow sidaa awgeedna ha la burburiyo waayo markii burburkii weynaa dhacay dadweynuhu waxay burburiyeen hantidii dadweynaha ka dhexeysay iyaga oo u arkayey inay dawladdi ka aargoosanayaan umana arag inay iyaga tahay cidda intifaacsanaysay hantidaan
  • In ay jirto jahli weyn oo dadkeena haysta xaga dawladnimada iyo waxa ay ku shaqeyso awoodna ku yeelato iyo mudnaanta ay leedahay hantida dawladnimadu.

 

Hadaba qodobada kor ku xusan maaha kuwa dhamaystiran waxaan filayaa in ay jiraan sababo kale oo ay adiga akhristow kula tahay in dadka Soomaalida aysan ilaalin hantida dadweyne ee ka dhaxaysa ama hantida dawladda sida inta badan loo yaqaan.

Ummad kasta oo horumar gaarta waxay ku gaartaa ilaalinta midnimada iyo dhawrista wadanka iyo hantidiisa. Waxaa haboon in qofkasta oo Soomaaliya fahmo in wadada, iskuulka, cisbitaalka, guriga dawladda hoose, ambalaasta, gaadiidka dawladda intuba ay yihiin hanti uu asagu leeyahay cid kalena aysan ku takrifali karin ilaa cidii loo igmaday inay shacabka ugu khidmadayso maahee oo ah dawladda ama maamulka dadka deegaanku isku raacsan yihiin inay adeegyadooda u qabtaan.

Hadaad aragto hanti guud oo la xumaynayo ugu yaraan haka aamusin ee ka hadal in la joojiyo xumaanta iyo baabi’inta hantida dadweyne waayo adiga ayaa wax ku leh waxa qofka waxmagaratada ahi uu baabi’inayo ama xumaynayo. Hadaad aragto wadada oo qashin lagu shubayo diid oo ka celi cida ku shubaysa, dawladda deegaanka u sheeg, dadka xaafada u sheeg, qabta daalinka dalka iyo dadka xumaynaya . Ha oran maxaa iga galay, waayo daalinka taas ayaa dani ugu jirtaa iyo inuu asagu yiraahdo, maxaa kaa khuseeya iwm.

Nin Shiikh ah ayaa maalin masaajid kaga hadlay ilaalinta hantida guud ee dadka ka dhaxaysa wuxuuna soo qaatay qiso uu asagu la kulmay.  Wuxuu yiri ” maalin aniga oo meel maqaaxi ah shaah ka cabaya oo laamiga dhinaciisa ah ayaa gaari kuwa xamuulka ah oo markaa ahmi/ari magaalada keenay albaabka danbe furtay oo qashinkii ku haray oo digo ari iyo caws iwm wadadii dhexdeedi ku daadiyey, markaas baan intaan ishayn waayey iri war walaalow ka daa, wadada qashinka haku shubin, banaanka magaalada gee, markaas baa ninkii wuxu shiikha ku yiri maxaa kaa galay, ma adigaa leh, shiikhina wuxuu ku jawaabay maya waan wada leenahay ee xumaanta ka daa oo haynaga wasakheyrn, markaas baa ninkii dareewalka ahaa shiikhii ku yiri, aniga qaybtayda ayaan ku shubanayaa ee faraha iga qaad.  ”

Tusmadaan kore waxaa ku cad in dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogan ay ka buuxaan waxmagarato maalin walba ka shaqeynaysa xumeynta iyo baabi’inta hantida lawadaago.

Ufiirso, shiikha waa dadaalay balse cid kale oo saacida ma helin, sidaa awgeed ninkii xumaanta samaynayey xumaantiisii wuu sii watay oo qashinkii uu baabuurkiisa la nacay wadada dadka oo dhan marayaan ayuu ku daadshey waana ka tegay.

Maalin walba ayaad akhristow aragtaa dhacdooyinkan oo kale marka maxaa nala gudboon hadaan nahay shacabka Soomaaliyeed iyo dawladdaba si looga hortago burburinta iyo ilaalin la’aanta hantida guud ee dalka.

  1. In la sameeyo wacyi gelin balaaran, dadweynaha laga qayb geliyo wacyi gelinta si ay iyagu ula yimaadaan hababka ugu haboon ee lagu ilaalin karo hantida dadweynaha
  2. In la ciqaabo dadka lagu helo inay hantida ummadda ku ciyaarayaan sida kuwa qashin iyo biyaha wasakhtaa ku shuba jidadka waaweyn oo ganacsigooda laga xiro lana ganaaxo
  3. In la sameeyo habab qashinka iyo wasakhda lagu ururiyo laguna fogeeyo sida gaadiid iyo hababkaleba
  4. In iskuulada hoose caruurta lagu baro ilaalinta hantida ma guurtada ah lana sameeyo buugaag iyo sheekooyin ku saabsan ilaalinta hantida ma guurtadaha, si mustaqbalka danbe uga badbaadaan jahliga haysta bulshada hada joogta
  5. In la ceebeeyo lana sheego kuwa ku tagrifala hantida ummadda kana weeciya adeegii bulshada, una weeciya mid ay iyagu faa’iido ka helaan iwm.

 

Qodobada kor ku xusan maaha kuwa dhamaystiran sida aad dareeymayso laakin waxaan uga jeedaa in sidaas oo kale talaabooyin la qaado lagu ilaalinayo dhawrista hantida dadweynaha iyo danta guud hadii kale arinku wuxuu noqon god ka guur oo qanjo u guur iyo fakhriga oo lagu sii jiro.

La soco Qaybta danbe..

Qore: Siyaad Cali Yuusuf

 

 

 

 

 

http://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2017/08/wadooyinkaburbursan.jpghttp://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2017/08/wadooyinkaburbursan-150x150.jpgadminArticlesPuntlandsomali NewsDayactir,Hanti,SoomaaliyaQoraalkan cinwaankiisa waxaa laga yaabaa inaad la yaabto markaad aragto balse xaqiiqda waxay tahay dadka Soomaaliyeed intooda badan inay sidaas u hadlaan markay noqoto ilaalinta iyo dhowrista hantida guud ee dadka kawada dhaxaysa ama hantida loo yaqaan hantida dawladda. Waxaad arkaysaa maalinwalba hantidii guud ee dalka iyo dadka oo lagu...News from Somalia & the World