Maxamed Cali Calay  oo ahaa feeryahankii caanka ahaa ee aduunka ugu caan sanaa ayaa xalay ku geeriyooday dalka Maraykanka magaalada Phenix Arisona, halkaas oo ilaa Khamiistee uu cisbitaal kaga jiray. Waxay da’diisu ahayd sida la sheegay 74 sano jir.

Maxamed Cali Alle ha u naxariistee waxaa lagu xasuustaa inuu haa nin aad ugu adag dhaqankiisa tan iyo markii uu muslimay 1964 dii kadib markii uu noqday Feeryahanka aduunka uuna ka guulaystay ninkii la oran Jiray Sony Liston asaga oo jira 22 sano oo keliya.

maxamed cali

Xiligaas wixii ka danbeeyey wuxuu caan ka noqday caalamka oo dhan sababta oo ah wuxuu ahaa nin aftahan ah, runta ka hadla, dadka madowga ah u dooda xuquuqdooda, dawladda Maraykankana meel iska mariyey kadib markii ay damceen inay ku khasbaan inuu askarta ku biiri kadibna markuu diiday ay ka xayuubiyeen guulahiisii feerka aduunka ayna ka mamnuuceen inuu ciyaaro muddo sadex iyo bar sano ah.

Maxamed Cali Alle ha u naxariistee wuxuu markii hore ku biiray qolo la yiraahdo Nation of Islam oo inta badan ku salaysneed cunsiriyad iyo iska celinta dadka cadaanka ah maadama dadka madow la cadaadin jiray, balse markii danbe wuu fahmay diinta islmaaka wuxuuna noqday nin muslim ah oo sunni ah oo toosan.

Waxaan Alle uga bareyeynaa Maxamed Cali inuu janaadiisa fardowsa ka waraabiyo ehelkiisiina samir iyo iimaan ka siiyo.

Xafiiska Bosaso times

 

 

http://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2016/06/maxamedcali.jpghttp://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2016/06/maxamedcali-150x150.jpgadminPuntlandsomali NewsSportsMaxamed Cali Calay  oo ahaa feeryahankii caanka ahaa ee aduunka ugu caan sanaa ayaa xalay ku geeriyooday dalka Maraykanka magaalada Phenix Arisona, halkaas oo ilaa Khamiistee uu cisbitaal kaga jiray. Waxay da'diisu ahayd sida la sheegay 74 sano jir. Maxamed Cali Alle ha u naxariistee waxaa lagu xasuustaa inuu haa...News from Somalia & the World