Waxaa caawa markale orday ordaaga caanka ah ee Soomaaliyeed una orda dalka Ingiriiska Maxamed Faarax kaas oo ka qayb qaadanayey oradkiisii ugu danbeeyey inta uusan ka fariisan ciyaaraha oradada uu caanka ku yajay ee 10,000 iyo 5,000 oo mitir. Balse caawa waxaa ka badiyey wiilka Mukhtar Idiris oo Itoobiyaan ah wuxuuna Maxamed Faarax galay kaalinta 2aad taas oo ugu muuqatay asaga guul daro soo gaartay dhinaciisa.  Asbuuci hore Maxamed Faarax wuxuu ku guulaystay oradka 10,000 mitir uuna helay biladda dahabka.

Orodyahanka Maxamed Faarax ayaa wuxuu hada haystaa 6 biladood oo dahab ah ee oradada caalamka sida kan caawa oo kale ah iyo 4 dahab ah oo Olompica ah taas oo uu kuhaysto labada orod ee uu caanka ku yahay 10,000 oo mitir iyo 5,000 oo mitir. Wuxuu kaloo haystaa biladaha Silverka ee kaalinta labaad oo laba ah kuwaas oo biladihiisa ka dhigaya 12 biladood oo 10 tahay dahab 2 qalin/silver. .

Maxamed Faarax  oo sanadkan boqorada dalkan ay ka dhigtay Sir Maxamed Faarax ayaa wuxuu noqonayaa orodyahanka ugu biladaha badan ee taariikhda dalka Ingiriiska.

Waxaa la filayaa wixii hada ka danbeeya marka laga reebo hal orod oo uu ordi doono bisha November sanadkan 2017ka inuu u gudbi doono oradada loo yaqaan Maradoonka.

Bosasotimes.com

http://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2017/08/Mo-Farah-5000.jpghttp://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2017/08/Mo-Farah-5000-150x150.jpgadminsomali NewsSportsLondon,Mo Faarax,Orodka,SoomaaliWaxaa caawa markale orday ordaaga caanka ah ee Soomaaliyeed una orda dalka Ingiriiska Maxamed Faarax kaas oo ka qayb qaadanayey oradkiisii ugu danbeeyey inta uusan ka fariisan ciyaaraha oradada uu caanka ku yajay ee 10,000 iyo 5,000 oo mitir. Balse caawa waxaa ka badiyey wiilka Mukhtar Idiris oo Itoobiyaan...News from Somalia & the World