Waxaa caawa markale si cajiib ah guul usoo hoyey halyeyga caanka ah ee Soomaaliyeed una orda dalka Ingiriiska Maxamed Faarax kaas oo ku guulaystay markale orodka 10,000 oo mitir kaas oo ka dhacay magaalada London.

maxamedFaarax

Orodyahanka Maxamed Faarax ayaa wuxuu hada haystaa 6 biladood oo dahab ah ee oradada caalamka sida kan caawa oo kale ah iyo 4 dahab ah oo Olompica ah taas oo uu kuhaysto labada orod ee uu caanka ku yahay 10,000 oo mitir iyo 5,000 oo mitir. Waxaad xasuusataan in Maxamed Faarax uu ku guulaystay oradadii olompic ee London 2012 labada orodba dahab iyo Kuwii Baraasiil ee 2016.

Maxamed Faarax  oo sanadkan boqorada dalkan ay ka dhigtay Sir Maxamed Faarax ayaa wuxuu noqonayaa orodyahanka ugu biladaha badan ee taariikhda dalka Ingiriiska.

 

Bosasotimes.com

 

http://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2017/08/maxamedFaarax.jpghttp://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2017/08/maxamedFaarax-150x150.jpgadminsomali NewsSportsLondon,Maxamed Faarax  Waxaa caawa markale si cajiib ah guul usoo hoyey halyeyga caanka ah ee Soomaaliyeed una orda dalka Ingiriiska Maxamed Faarax kaas oo ku guulaystay markale orodka 10,000 oo mitir kaas oo ka dhacay magaalada London. Orodyahanka Maxamed Faarax ayaa wuxuu hada haystaa 6 biladood oo dahab ah ee oradada caalamka...News from Somalia & the World