Xaalada magaalada Boosaaso ayaa kacsan kadib markii muddo 4 cisho ah aan dekedda magaalada waxba ka soo degin.

Waxaa muran dheer ka taagan yahay habka cusub ee loo maamulayo dekedda iyo maamulka cusub ee la sheegay inay ka midtahay balaarinta dekedda oo amaro cusub iyo lacago aad looga yaabay ku so rogay ganacsatada Soomaaliyeed ee dekedda Boosaaso isticmaala.

Waxaa wararku sheegayaa in maamulka dhowaan lagu wareejiye dekedda Boosaaso maamulkeeda iyo dib u dhiskeeda ay ee DP World ay soo rogeen lacago xad dhaaf ah oo laga qaadayo doontaha iiyo maraakiibta dekedda kusoo xirta iyo lacago la sheegay inay tahay dejinta iyo rarida alaabta dekedda timaada oo iyagana aad qaali looga dhigay.

Rag ganacsato ah oo ay la xiriirtay warbaahinta Bosasotimes.co waxay sheegeen in halkii tan oo alaab ah oo la dejinayo laga dhigay qiimahooda 6 doolar meesha markii hore 3  tan oo alaab ah lagu dejin jiray 4 doolar oo keliya ama 95,000 oo Sh. So. ah.  Taas oo ka dhigtay dejinta alaabta mid qaali ah oo ka badan 3 jibaar intii hore.

Waxaa kaloo wararku sheegayaan in ganacsatadu ka carootay kadib markii la yiri doon kasta oo soo xirata waa inay bixisaa 13000 oo doolar (sadex iyo toban kun oo doolar) halka markii hore ay bixin jireen 1,400 oo doolar oo keliya. (kun iyo afar boqol oo doolar oo keliya).

Xaalada ayaa cakiran, ganacsatadu waxay wadaan shirar iyo wadahadalo dhexdooda ah ayna kaga arin sanayaan go’aanada ay qaadan lahaayeen iyo sida ay xaalada cakiran looga gudbi lahaa.

Dhamaan dekedda Boosaaso ayaa maran oo dhamaan doonyihii way ka baxeen waxayna joogaan oo baroosiga u yaal badda dhexdeeda. Lama oga goorta ay arinkani soo dhamaanayo iyo in ay xaaladu ka sii dari doonto oo gaari doonto gacan ka hadal. Dadka shacabka ayaa welwelsan sida xaaladu ku danbeyndoonto.

Bosasotimes.com

 

adminPuntlandsomali NewsBosaso port,DP World,Muran dekeddaXaalada magaalada Boosaaso ayaa kacsan kadib markii muddo 4 cisho ah aan dekedda magaalada waxba ka soo degin. Waxaa muran dheer ka taagan yahay habka cusub ee loo maamulayo dekedda iyo maamulka cusub ee la sheegay inay ka midtahay balaarinta dekedda oo amaro cusub iyo lacago aad looga yaabay ku...News from Somalia & the World