Muranka ka socday magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo una dhexeeyey shacabka degmada iyo maamulka Jubaland oo dhinac ah iyo dawladda Kenya oo halkaas ka dhisaysa derbi ay doonayso inay ku hor istaagto waxa ay ugu yeertay argagixisada.

Maamulka Jubbaland ayaa ugu baaqay dawladda Federaalka inay soo fara geliso arinka Beledxaawo maadaama xuduudaha dalka ay iyadu mas’uul ka tahay taas oo dawladda Federaalku ay ka jawaabtay una dirtay wefti uu hogaaminayo wasiirka Arimaha Gudaha ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Saciid Juxa.

Wetiga wasiirka oo ay weheliyaan xubno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka iyo madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa shalay gaaray magaalada Doolow una gudbay magaalada Beledxaawo halkaas oo kula kulmeen shacabka iyo odayaasha magaalada iyo saraakiisha maamulka Jubbaland ee magaalada ka taliya.

Weftiga waxay wararku sheegayaa inay booqdeen goobta xaydaanka dawladda Kenya ka dhisayso ayna soo arkeen sida wax yihiin.

Waxaa la filayaa in dawladda Federaalka iyo xubnaha baarlamaanka ee safarka ku tegay Beledxaawo ay warbixo soo saari doonaan ku saabsan xaalada xuduudka Soomaaliya iyo muranka Kenya  kala dhexeeya.

SC

Bosasotimes.com

 

http://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2018/01/juxaa3.jpghttp://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2018/01/juxaa3-150x150.jpgadminPuntlandsomali NewsBeledxaawo,Juxaa,Kenya,SC,Soomaaliya,XuduudMuranka ka socday magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo una dhexeeyey shacabka degmada iyo maamulka Jubaland oo dhinac ah iyo dawladda Kenya oo halkaas ka dhisaysa derbi ay doonayso inay ku hor istaagto waxa ay ugu yeertay argagixisada. Maamulka Jubbaland ayaa ugu baaqay dawladda Federaalka inay soo fara geliso arinka Beledxaawo...News from Somalia & the World