Waxaa maalmahan ka socday magaalada Boosaaso guux ku wajahan dekedda la sheegay in dhisme lagu darayo  magaalada Boosaaso kaas oo dad badani sheegayaan inaysan ku qanacsanayn sida loo dhigay heshiiska, dawladduna ay ku adkeysanayso inay doonayso horumarka dalka, dekedda dhismaheeduna  yahay talaabo hore loo qaaday.

Muranka oo inta badan u dhexeeya  madaxda dawladda iyo ganacsato/nabadoono insku dhinac ah ayaa waxaa ku jaahwareersan dadka shacabka ah oo ka welwelsan in arinkaasi keeno isku dhac iyo dagaal ka dhaca magaalada Boosaaso.

Dawladdu waxay magaalada keentay ciidamo badan, waxaadna ku arkaysaa wadooyinka magaalada ciidamo hubaysan oo baari taano wada iyo kuwa kale oo u muuqda dhoolatus awoodeed, laguna tusayo dadka dawladdu ku sheegtay qaswadayaasha inaysan isku dayin hor istaag iyo khalkhal abuurid.

Dadka shacabka ah ayaa inta badan wararka ka hela baraha bulshada kuwaas oo inta badan u badan qoraalo been abuur ah iyo kutiri kuteen aan waxba ka jirin, cabsi iyo khalkhal shacabka ku abuuraya. Dawladdu  malaha awood ay dadka iyadu warka ugu sheegto  marka la eego baraha bulshada iyo bogagga internetka taasna waxay keentaa in beenta iyo ku tirikuteentu faafto dadkuna rumaystaan khiyaaliga.

Waxaa la filayey maanta in dawladdu ku wareejiso shirkadda dhisaysa dekedda si rasmi ah balse taas weli ma dhicin sida wararku sheegayaan. Waxaa laga warsugayaa bilaabida balaarinta dekedda Boosaaso iyo waxa dadka diidani arinkaa ka yeelayaal.

Bosasotimes.com

 

 

 

http://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2017/10/Bosaso-Port.jpghttp://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2017/10/Bosaso-Port-150x150.jpgadminPuntlandDekedda Boosaaso,DP Word,PuntlandWaxaa maalmahan ka socday magaalada Boosaaso guux ku wajahan dekedda la sheegay in dhisme lagu darayo  magaalada Boosaaso kaas oo dad badani sheegayaan inaysan ku qanacsanayn sida loo dhigay heshiiska, dawladduna ay ku adkeysanayso inay doonayso horumarka dalka, dekedda dhismaheeduna  yahay talaabo hore loo qaaday. Muranka oo inta badan u...News from Somalia & the World