Waxaa weli taagan muranka ka jira dekedda Boosaaso iyo kharashyada lagu kordhiyey kadib markii ay dekedda lagu wareejiyey shirkadda DP World iyo P&O bishii hore dhamaadkeedii Oct 2017.

Dadka ganacsatada iyo dhamaan mujtamaca magaalada Boosaaso ayaa welwel ka muujiyey isbedelka ku yimi habsami u socodkii dekedda Boosaaso ahna isha dhaqaale ee Puntland.

Waxaa hada socda shirar u dhexeeya dawladda Puntland iyo ganacsatada si laysula meel dhigo hab wadashaqeyn lagana gaaro xal lacagaha badan ee la soo kordhiyey.

Shacabka ayaa waxay dareemayaan in dalkoodii la iibsaday, waxayna muujinayaan quus iyo awood daro iyo musuqmaasuq xad dhaaf ah oo kuwii loo igmaday ilaalinta danaha dalka iyo dadka ay ku kacayaan cidna aysan wax ka qabanayn.

Waxay arinku taagan yahay dhaana uma maqna ceelna uma qodna.

Waan arki waxa ka soo baxa shirarka socda iyo in isfahan laga gaaro hawlaha dekedda oo hada si ku meel gaar ah u socda kadib markii ay xirnayd muddo 2asbuuc ku dhow.

Bosasotimes.com

 

http://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2017/10/Bosaso-Port.jpghttp://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2017/10/Bosaso-Port-150x150.jpgadminPuntlandsomali NewsDekedda Boosaaso,DP World,P&O,PuntlandWaxaa weli taagan muranka ka jira dekedda Boosaaso iyo kharashyada lagu kordhiyey kadib markii ay dekedda lagu wareejiyey shirkadda DP World iyo P&O bishii hore dhamaadkeedii Oct 2017. Dadka ganacsatada iyo dhamaan mujtamaca magaalada Boosaaso ayaa welwel ka muujiyey isbedelka ku yimi habsami u socodkii dekedda Boosaaso ahna isha dhaqaale...News from Somalia & the World