Hadaadan hada garan hadhowbaa garan: Baahida loo qabo horumarka aalada caalamka ee Tijnolojiyadda Dalkeena.

Qaybta 1aad

Mustaqbalka dalkeena  wuxuu u baahan yahay barashada kumbuyuutarka  si uu u horumaro hadii kale waa dib u dhac!.

Waxaan qoraalkan kooban kuna saabsan baahida degdega ah ee dalkeenu u qabo in waxweyn laga bedelo qaabka dhalaankeena iyo mustaqbalka dalkeena wax loo baro.

Waxaad ogtahay in maanta oo lagu jiro casriga tijnolojiyadda internetka iyo kumbuyuutarka (ICT) iyo wixii la halmaala, aysan jirin maanta hal iskuul oo ardayda u dhiga  cilmigaan muhiimka ah. Iskuulada laga soo bilaabo birimo ilaa galaaska afraad ee dugsiga sare dhamaan dalkeena hooyo caruurteena ma helaan waxbarasho ku aadan aaladan horumarka iyo dhaqaalaha dalkeena kor u qaadi karta, abuuri kartana shaqo iyo xirfad ay yeeshaan dhalinteenu, kana qayb qaadan karta koror dhaqaalaha, shaqo abuur,  amniga iyo ilaalinta xuduudaheena iwm.

Waxaan ognahay in dalkasta oo aan u diyaar garoobin (digital economy) aana u diyaarin dhalintiisa barashada iyo ka faa’iideysiga awooda aaladan casriga ee dhinacyada badan ee nolosha maanta taabanaysa inuu yahay dal dib u dhacay, lagana yaabo muddo inuu sidaas sii ahaado weligiisna asaagii ka danbeeyo.

Maxaa hortaagan in maanta oo ay tahay 2018 in aan caruurteena la barin ugu yaraan asaasiyaadka aaladan. Waxaan hubaa inaad ogtahay in maanta caalamka oo dhan laysku raacay in barashada ICT (Information and communication technology) ay tahay lagama maarmaan sida xisaabta iyo luuqaduhuba u yihiin lagama maarmaan in la baro dhalaanka intay yar  yihiin.

Hadaba miyeysan ahayn in la gaaray wakhtigii la dhihi lahaa iskuulkii aan lahayn xiisado IT in uu xirmo lagana qaado shatiga iskuulnimo waayo waa dib u dhac iyo dhalinteena oo mustaqbalkooda iyo kan dalka la dhumiyey.

 

Akhristow si aad u ogaato:

  • Kumbuyuutarada celiska ah (refurbished computers) waxaa lagu heli karaa $150- $200 doolar xabadii iyagoo dhamaystiran (monitor, system unit, keybaord, mouse..), Dubai iyo meelo kaleba.
  • Iskuulku haduu soo gato 15 kumbuyuutar oo celis ah waxay kharashkoodu noqonaysaa ilaa 3,000 oo doolar iwm.
  • Macalinka dhigaya IT wuxuu bishii u baahan yahay 300 oo doolar, waxaana laga yaabaa iskuulka oo dhan waxaa ku filan hal macalin ama labo
  • Caruurta waxay u baahan yihiin hal xiiso oo IT ah bishii ugu yaraan, waana arin waxtar badan yeelan karta mustaqbalka dhow iyo kan fogba, dalkana horumar u keeni karta dhinacyo badan taabanaya.

 

Waxaan qodobadan kore u xusayaa  si aan u muujino hadii laysku dayo in meel wax laga bilaabi karo  iyo in arinku uusan ahayn wax aan la gaari karin, lana bilaabi karo dhib la’aan hadii uu jiro rabitaan iyo fahan. Uma baahna caruurteena barida cilmigan muhiimka ah ee ITga in hay’ado wax la weydiisto iyo cid kale toona, waa arin dadka iskuulada leh, waalidiinta iyo dawladdu hadey is kaashadaan, wacyi gelina la sameeyo aan wax ka qaban karno, noqon kartana bilow fiican.

Qalabka iyo farsamada  aan kor kuxusay wax weyn maaha, balse lama yaraysan karo raadka ay ku yeelan karto fahamka dhalinteena ee aaladan cusub iyo u diyaarinta ubadka iyo dhalinyarada inay alufaan habab cusub oo ku dhisan aaladan cusub ee Internetka iyo kumbuyuutarka.

Ma aha wiilkeena iyo gabadheena inay sugaan markay jaamacad galaan inay bartaan MS-Word iwm. Waa in dhalaankeena u diyaarinaa waaga cusub, waxaana aaminsanahay inaan waxbadan ka harnay asaageen khaasatan wadamada deriska nala ah.  Tusaale Kenya inta badan caruurtoodu waxay helaan barashada ICTga, Rwanda kuwa baadiyaha jooga casharo ICT ah ayey qaataan, Itoobiya, Jibouti  waa la mid.

Caqabado laga yaabo inay Jiraan balse laga gudbi karo.

Waan dareensanahay inay jiraan caqabado badan oo laga yaabo inay hortaagan yihiin hirgelinta ugu yaraan wuxuun barashada aaladan cusub ee iskuuladeena , taas oo ay ka mid tahay aqoon daro haysata dadka iskuulada iska leh, maamulayaasha iskuulada oo aan ku baraarugsanayn  aaladan waxtarkeeda iyo mustaqbalka dhalinta , macalimiinta oo aan kala jeclayn, waalidiinta oo iyaguna  xaga aaladan cusub iyo wax tarka ay u leedahay ubadkooda  aan  fahan sanayn iyo kuwa kaleba.

Waxaa kaloo jirta in meelo badan oo dalka ka mid ah aysan koronto  haysan iskadaa kumbuyuutar, balse inta badan meelaha noocaan ah waa tuulooyin fog fog iwm.  Magaalooyinka badankood koronto waa leeyihiin, cudur daarna noqonmayso markii caalamka dalkeenu iyo dhalinteenu ka haraan, koronto ma haysan iyo ma ogeyntoona.

Sidoo kale dad-keenu waxay u yaaqaanin barashada kumbuyuutarka in laga barto oo keliya meelaha sida gaarka ah loo leeyahay ,  taas oo ku tusinaysa sida aysanba dadku ula socon wacyiga caalamka marayo iyo baahida aaladan loo qabo ayna tahay lagama maarmaan in dhalinta intay yar yihiin la baro si horumar loo gaaro.

Hadaba waxaa hubaal ah in qof kasta oo Soomaali ah uu arkayo in dhalinyaro ay yihiin maanta caalamka Internetka iyo kumbuyuutarka kuwa ka faa’iidey kuna noqday milyaneero iyaga oo aan weli 30 sano gaarin waxbadanna caalamka ku soo kordhiyey ha xumaado ama ha samaadee. Waxaa ka mid ah dhalinta maanta caalamka ka muuqata tijnolojiyada kumbuyutarkana waxbadan ku helay, Mark Zuckerberg, wiilka facebook sameeyey, Elon Musk oo ah ninka sameeyey Paypal, SpaceX, Tesla Motors iwm, Jan Koum oo ah wiilka sameeyey WhatsUP iyo kuwa kale oo farabadan.

Dhamaan ragan aan soo qaatay waxay kumbuyutarka barashadiisa bilaabeen iyaga oo 8 sano jir ilaa 12 sano jir ah taas ayaana u sahashay inay maanta caalamka waxbadan ku soo kordhiyaan iyaguna ka faa’iidaan.

Marka dhalinteena intay yaryihiin hadaan kumbuyutarka barno oo iskuulada ku barno waxaan hubaa inay Soomaaliya ka soo baxayaan dhalin badan oo sameeya systems ama habab waxbadan ka tara nolosha dadka Soomaaliyeed iyo caalamkaba.

Qof kasta haka qaybqaato sidii uu ugu dhiiri gelin lahaa iskuulada magaaladiisa inay kumbuyuutarka caruurta baraan intay yaryihiin ayna sameeyaan qolal kumbuyuutaro yaaliin (computer labs) iwm.

 

Siyaad Cali Yuusuf

La soco qaybta Danbe

http://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2018/02/Mustaqbal3jpg.jpghttp://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2018/02/Mustaqbal3jpg-150x150.jpgadminArticlessomali NewsDhalaanka,Mustaqbalka Dalka,Puntland Bosaso,qoraal ICT,Siyad Ali YusufHadaadan hada garan hadhowbaa garan: Baahida loo qabo horumarka aalada caalamka ee Tijnolojiyadda Dalkeena. Qaybta 1aad Mustaqbalka dalkeena  wuxuu u baahan yahay barashada kumbuyuutarka  si uu u horumaro hadii kale waa dib u dhac!. Waxaan qoraalkan kooban kuna saabsan baahida degdega ah ee dalkeenu u qabo in waxweyn laga bedelo qaabka dhalaankeena...News from Somalia & the World