Subaxnimadii 8da bisha Janaayo ayaa ciidan aad u hubaysan oo ka socda Somaliland dagaal kula wareegeen magaalada Tuka Raq oo ahayd goobta maamulka Puntland ka talinayey taas oo ciidanka Somaliland gacanta ku dhigeen.

Ciidamada Puntland ayaa goobta ka soo baxay hadana la sheegay inay difaac kaga jiraan goob u dhow Tuka Raq.

Hadaba dagaalka Somaliland soo qaaday muxuu salka ku hayaa. Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in dagaalka loola danleeyahay in lagu carqaladeeyo madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo booqashadiisa uu ku maraya deegaanada Puntland.

Siyaasiyiin ayaa ku tilmaamaya weerarka Somaliland inay doonayaan iska hor imaad inuu dhaco mudada uu Farmaajo Puntland joogo sidaasna Somaliland ku andacooti iyo taliskii hore ee Siyaad Bare soo noqday dagaalna lagu soo qaaday ayna ku sheegaan gardaradooda mid iyagu lagu soo qaaday muhiimna ka dhigaysa inay Soomaaliya ka go’aan.

Waxaa kaloo la sheegay in Somaliland doonayso inay dawladda Federaalka ku eedeyso dagaal aysan shaqo ku lahayn isla markaana ku doodo in hawada Soomaaliya dib loogu celiyo maamulkeeda Nairobi taas oo Somaliland ay kaga kalsoontahay dawladda Soomaaliya inay hawadeeda maamusho taas oo muujinaysa  sida Somaliland aaysan raali uga ahayn in Soomaaliya ay noqoto dawlad tayo leh.

Waxaa hada taagan muranka u dhexeeya labada maamul ee Somaliland iyo Puntland iyada oo dawladda Puntland ay go’aansatay inay difaac ku jirto inta booqashada madaxweyne Farmaajo dhamaanayso kadibna iyada iyo Somaliland is arkaan.

SC

Bosasotimes.com

 

http://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2018/01/puntsomaliland1.jpeghttp://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2018/01/puntsomaliland1-150x150.jpegadminPuntlandsomali NewsFarmaajo,Puntland ciidan,SC,somaliland ciidan,Tuka Raq,TukaraqSubaxnimadii 8da bisha Janaayo ayaa ciidan aad u hubaysan oo ka socda Somaliland dagaal kula wareegeen magaalada Tuka Raq oo ahayd goobta maamulka Puntland ka talinayey taas oo ciidanka Somaliland gacanta ku dhigeen. Ciidamada Puntland ayaa goobta ka soo baxay hadana la sheegay inay difaac kaga jiraan goob u dhow...News from Somalia & the World