Ninkii hogaaminayey ciidankii Bosnian Croat-ka ee dalka Bosnia-Herzogovina oo 2013 lagu helay denbiyo dagaal oo ka dhan ah bini’aadanimada ayaa maanta mar maxkamadda denbiyada dagaalka ee Bosnia ee magaalada Hague dalka Netherland ay xoojisay 20kii sano ee lagu xukumay 2013kii, racfaankiisina la diiday, ayuu sun uu ku watay koob maxkamadda dhexdeeda ku cabay kadib markii xaakinkii maxkamada uu ku dhawaaqay in ninkaan Slobodan Pralja uu xirnaan doono muddo 20 sano ah.

Isla markii uu ku dhawaaqay ninkani inuu sun cabay ayaa xaakinkii maxkamadda wuxuu joojiyey hawlihii maxkamadda kadibna waxaa la guda galay in ninkaan Slobodan Pralja oo 72 jir ah naftiisa lala tacaalo loona qaado cisbitaal.

Nin kaan Pralja ayaa hogaaminayey ciidamadiiĀ  Croat ka (Korooshiyiinta )muslimiinta ku laynayey dagaalki Bosnia 1992-1995 ka socday dalkaas uuna mas’uul ka ahaa xasuuq loo geystay muslimiinta Bosnia qaybo ka mid ah.

Waxaa ninkaan denbiilaha ah lagu xasuustaa go’doomintii magaalada Mostar iyo dagaalkii kharaaraa ee Muslimiinta magaaladaas ay la galeen Croatka ee magaalada soo weeraray. Dagaalka Muslimiinta iyo Croat ka ayaa socday muddo ka badan 11 bilood iyada oo muslimiinta Bosnia ay iska caabiyeen dagaalkii fuleynimo ee Croatka oo gacan siinayey Serbiyiinta oo doonayey inay isla markaana dhul balaar sadaan oo muslimiinta ka saaraan magaalda Mostar iyo qaybo kale oo bariga Bosnia ka mid ah.

Waxay wararku sheegayaan in ninkaan uu suntii uu cabay u geeriyooday sidaasna uu isku khaariyey maxkamadda dhexdeeda. Waxaa kaloo maxkamadda racfaanka denbiyada Bosnia ee Hague joogay shan kale oo iyaguna sugayey xukunada racfaanadii ay qaateen.

Dagaalka ka dhacay magaalada Mostar 1993gii halkan ka daawo: https://www.youtube.com/watch?v=Ipua2Mh_F_c

SC

Bosasotimes.com

 

 

http://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2017/11/mostar4.jpghttp://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2017/11/mostar4-150x150.jpgadminPuntlandsomali NewsBosasotimes,Bosnia,Hague,Pralja,SC,sun cabidNinkii hogaaminayey ciidankii Bosnian Croat-ka ee dalka Bosnia-Herzogovina oo 2013 lagu helay denbiyo dagaal oo ka dhan ah bini'aadanimada ayaa maanta mar maxkamadda denbiyada dagaalka ee Bosnia ee magaalada Hague dalka Netherland ay xoojisay 20kii sano ee lagu xukumay 2013kii, racfaankiisina la diiday, ayuu sun uu ku watay koob...News from Somalia & the World