Qaraxyadan oo mid ka mid ah uu fuliyay nin naftii hurre ahaa, halka midka kalana loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, ayaa waxaa si wuxuushnimo ah loogu beegsaday dad isaga casiriyeeynaayay maqaaxiyadahaasi.

Mursal Macalin Isaaq oo ka mid ah shacabka ku dhaqan Magaalada Baydhabo, ayaa qaraxyadan ku sheegay kuwo si wayn u gilgilay Magaalada, isla-markaana ay dareen cabsi badan leh ku beereen bulshada deegaanka.

Nasra Ibraahim Mukhtaar oo sidoo kale dadka reer Baydhabo ka midda, ayaa sheegtay illaa iyo hadda inaanan la garanayn waxa loo laayay dad masaakiin ah oo waqti nasasho ah isaga qaadanaayay maqaaxiyado.

Suxufiyiinta, ayaa soo sheegaaya in dadka reer Baydhabo ay isu midda kaga horyimaadeen wixii galabta ka dhacay Magaaladaasi, ayna u arkaan wax diinta Alle aad uga fog.

Qaraxyadan, ayaa noqday hadalhaynta ugu badan ee dalka, iyadoona ay hadalhayso Warbaahinta gudaha iyo midda caalamkaba.

Ururka xagjirka ah ee Al Shabaab waxaa lagu tilmaamaa mid si wayn kaga soo horjeedo xasiloonida iyo horumarka dalka iyo dadka Somaliyeed, isla-marlaana ay bilaa qiil ku daadinayaan dhiigga ummada Muslimiinta ee Somaliyeed.

 

http://universalsomalitv.net/infusions/media/uploads/gallery/http://universalsomalitv.net/infusions/media/uploads/gallery/http://universalsomalitv.net/infusions/media/uploads/gallery/http://universalsomalitv.net/infusions/media/uploads/gallery/http://universalsomalitv.net/infusions/media/uploads/content/

http://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2016/02/1456694088f8b50.jpghttp://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2016/02/1456694088f8b50-150x150.jpgKhadroGobolada dhexeQaraxyadan oo mid ka mid ah uu fuliyay nin naftii hurre ahaa, halka midka kalana loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, ayaa waxaa si wuxuushnimo ah loogu beegsaday dad isaga casiriyeeynaayay maqaaxiyadahaasi. Mursal Macalin Isaaq oo ka mid ah shacabka ku dhaqan Magaalada Baydhabo, ayaa qaraxyadan ku sheegay...News from Somalia & the World