Inta aanan u guda gelin sababaha kalifay inaan qoraalkan qoro, waxaan jeclahay inaan eegno habka dhowrista xuquuqda macmiilka (Consumer Rights  Protection).

Ilaalinta Xuquuqda Macmiilka

Guud ahaan caalamkan aan ku noolnahay waxaa jira xaquuqyo iyo waajibaadyo uu leeyahay qofka macmiilka ah (consumer rights protection)  uuna ku leeyahay meherad laha ama ganacsadaha mid guud ama mid gaara, waxaana ka mid ah in run loo sheego, la ixtiraamo, la dhowro caafimaadkiisa, noloshiisa, nabad gelyadiisa, sharaftiisa, hantidiisa iwm.

Waxaa intaa sii dheer in macmiilku leeyahay qadarin hadii uu cawdo ama wax sheegto meherad luhuna isku dayo inuu qanciyo, si wanaagsan ula dhaqmo, una fuulo geed dheer iyo geed gaaban sidii macmiilkaas ku qancin lahaa hadii kale meherad luhu wuxuu ogyahay ugu yaraan in shakhsigaasi meel kale lacagtiisa la aadayo uuna dib ugu soo noqonayn markale.

Waxaa kaloo jira hadii meherad luhu ku guul daraysto inuu wax ka qabto cabashada ama sheegashada macmiilka in macmiilku aado hay’addaha dhowrista xuquuqda macmiilka ee dalkaas ama deegaan kaas ka jira kuwaas oo u qaybsama kuwo dawli ah iyo kuwo khaas ah oo u taagan dhowrista xuquuqda macaamiisha guud ahaan iyo gaar ahaanba.  (Xuuqda macaamiisha markaan leenahay waxaan ka wadnaa shacabka)

Waxaa intaa sii dheer in ganacsatadu qaybaheeda kala duwan samaystaan hay’addo iyagu maalgeliyaan oo macmiilka xaquuqdiisa dhowra  si ay u muujiyaan ganacsatadu inay ka dhabtahay dhowrista xaquuqda qofka macmiilka ah taas oo ay malaayin doolar ku bixiyaan sanad walba.

Dhamaan dawladaha iyo hay’addaha wadamada kala duwan ee aduunka ka jira waxay kawada shaqeeyaan ilaalinta iyo dhowrista xaquuqda qofka wadaniga ah iyo kan kale ee macmiilka ah si looga hortago in ganacsatadu ama meheredlayaashu mid guud iyo mid gaaraba ay dhibaato u geystaan, kuna xadgudbaan xaquuqda qofeed iyo tan maaliyadeed ee macmiilka una dhowraan hufnaanta iyo daacadnimada laga filayo ganacsatada iyo kuwa adeega bixiya guud ahaanba.

Waxyaalaha laga ilaasho dadweynaha waxaa ka mid ah in laga iibsho waxyaalo tayo daran, daawo dhacday, si xun loo dhakhtareeyo, cunna tayo daran laga iibiyo iyo dhamaan waxkasta oo adeeg ah oo qofka macmiilka ah laga iibinayo sida hadey tahay hotel uu seexdo, guri laga kireeyo, telefoon loo furay, internet loo furay, baabuur loo sameeyey, lacag loo diray, guri loo dayactiray,  deyn la siiyey iwm.

Dhinackasta qofka macmiilka ah waa laga ilaaliyey dhamaan wadamada caalamka ee ku dhaqma habka dhowrista xaquuqda macmiilka (consumer rights protection). Waxaana jira shuruuc adag oo arimaha ilaalinta xuquuqda macmiilka laga dejiyey ciqaab weyna ku fuliya ganacsiga ama meherada ku xad gudubta xaquuqda qofka macmiilka ah.

Hadaba hadaan u soo noqdo waxa ka lifay inaan qoro qoraalkan aan ugu magacdaray Macmiil Dulmane.

Tan iyo intii ay burburtay dawladdii dhexe ee dalka Soomaaliya 1991dii waxaa meesha ka baxay  ilaalintii xaquuqda macmiilka Soomaaliyeed waxaana bedelay waxkasta ku socodsii nidaam la yiraahdo, haduu hadlana afka jebi.

Habkaan cusub ee ah afka jebi macmiilka haduu hadlo waxay sababtay in Soomaaliya noqoto goob uusan wax xaquuqa lahayn qofka muwaadinka/macmiilka ahi ha yaraado ama ha weynaado.

Soomaaliya tan iyo burburkii dalka kadib waxaa soo galayey alaabo kala duwan, raashin, daawooyin iwm oo aad u tayo daran ayna cidna baarin tayadooda kuwaas oo laga dherjiyey mujtamicii Soomaaliyeed ee dalka ku noolaa.

Tani waxay keentay in dadweynuhu ay noqdaan xaquuq laawayaal ama looma ooyaan dhinac kasta oo laga fiirsho arinkooda.

Tusaale hadii qofka la siiyo daawo aan tayo lahayn ama khaldan, ama lagu sameeyo qaliin khaldan ama baaritaan khaldan meel uu u cawdo maleh, hay’ad dawli ama mid gaar ah oo qofkaasi dhibta loo geystay u sheegto oo xaqiisa  u raadisa majirto. Ma jiraan hay’addihii dawliga ahaa ee ka hortegi jiray in dalka la soo geliyo alaabo, daawo tayo daran, raashin dhacsan, qalabkale oo aan u haboonayn isticmaalka dadweynaha iwm.

Dhinacyada kale ee adeegyada kala duwan  waxaad arkaysaa inaan macmiilka wax xaquuqa lahayn oo ay tahay sida aan kor ku soo sheegnay oo ganacsataduhu uusan wax xil ah ama waajibaad ah iska saarin in macmilka uu qanciyo ama adeeg wanaagsan u qabto. Sidoo kale macmiilka guud ahaan meel uu u cawdo maleh hadii la xumeeyo ama adeegii uu filayey uusan helin.

Soomaalida guud ahaan waxaa caan ka ah in aysan aqoon habka macmiilka loo qanciyo oo qofka meheredlaha uu isu haysto inuu asagu asxaan u samaynayo qofka uu lacagta ka helayo, uma arko macmiilka inuu asagu yahay kan u baahan, taas waxaan dhihi karnaa waa arin soo jireena salkana ku haysa aqoon daro inta badan.

Bal aanu eegno qaybaha kala duwan ee adeegyada macmiilka aadka loogu dhibaateeyo oo aan waxba laga qaban ama uusan helin meel uu u wacdo oo xaqiisa u raadisa, mid khaas ah iyo mid guudba.

 

Dhakhtaraynta (Caafimaadka).

Waxa ugu muhiimsan qofka bini’aadamka ah waa naftiisa, taas oo u baahan daryeel caafimaad marka ay la kulanto dhibaatooyin caafimaad iyo jirooyin. Waxaana lagama maarmaan ah in qofka bini’aadamka ahi jiranayo mar uun noloshiisa ama marar badan xanuunku ha yaraado ama ha weynaado.

Hadaba intii burburka Soomaaliya ka dhacay, waxaa meesha ka baxay caafimaadkii guud ee dawladda Soomaaliya caanka ku ahayd ee gebi ahaanba ahaa bilaash qofkana goobta caafimaad ee uu yimaado uu ka helayey caafimaad iyo dhakhaatiir tayo leh oo daryeel siisa.

Markii ay meesha ka baxday dawladdii dhexe ee Soomaaliya waxaa soo baxay dad badan oo isku sheegaya dhakhaatiir, farmashiyo iyo xarumo caafimaad oo badan oo si gaar ah loo leeyahay. Cid dawlad ah oo hubisa ama eegta xarumaha caafimaad iyo dadka furtay inay ehel u yihiin ma dhicin tan iyo intii burburka dalkeena hooyo ka dhacay.

Taas waxay kaliftay in dadbadan lagu tacadiyo oo laga dherjiyo daawooyin dhacay, tayo daran, isla markaana taas ay dadkii u dheertahay farsamo xumo iyo qiyaas xumo xaga xadiga daawada ee qofku u baahan yahay.

Dhakhaatiir magacyo sheegta inta badan balse aan lahayn aqoontii dhakhtarnimo iyo adeegsi qalab aad u hooseeye tayadiisa intabadana u badan qalab waa hore caalamka intiisa kale ka gudubtay isticmaalkiisa oo qaarkood ay yihiin kuwii 1970dii la isticmaali jiray iyo ka horba.

Qofka bukaanka ah hadii xaquuqdiisa iyo naftiisa lagu xad gudbo oo la siiyo daawo khaldan, daawo aan tayo lahayn, ama si xun loo dhakhtareeyo meel uu u cawdo dalka Soomaaliya malaha ilaa wakhtigan la sheego inay dawlad iyo dawlad goboleedyo ay jiraan inta badan dalka Soomaaliyana ay iyagu gacanta ku hayaan maamulkooda.

Wax sharci ah oo laga soo saaray habka khaldan ee daawadda dadka loo siiyo,, habka loo soo waarido gudaha dalka daawada tayada daran iyo sheegashada dhakhtarnimo midna shuruuc iyo fulin lagama samayn inta aan ilaa hada ogahay oo wakhtigu yahay 2016 dhamaadkiisa.

Waxaa intaa kasii daran goobaha daawada lagu iibsho (pharmacies) oo layska furanayo oo aad mararka qaarkood arkayso biibito shaah iyo goob daawo lagu gadayo (pharmacy) oo isku dhexyaal, dhinacna weelka lagu dhaqayo dhinaca kalena daawadii oo boor ka buuxo lagu gadayo.

Caalamka intiisa kale qofna goob daawo lagu gado (pharmacy) iskama furan karo asaga oo aan ruqso u haysan aqoonteedana aan lahayn, cidii lagu helena ciqaab aad u daran ayey la kulantaa. Hase yeeshee Soomaaliya dhamaanteed waa jaantaa rogan iyo ana waykan.

Dukaanka daawadu ama farmasigu waa meelaha caalamka intiisa badan xooga la saaro sababtoo ah waxa ay hayaan inta badan waxyeeladooda ayaa badan hadii si khaldan loo qaato ama loo iibsho. Ka sokow tayada daawada oo liidata, hadana waxaa dadka daawadaas looga gadaa si xad dhaaf ah, oo waxaa arkaysa ilma yar oo caloosha xoogaa laga qabtay oo bac daawaha hooyadii lagu soo rarayo, markaad eegtana aad la yaabeyso caqliga qofka waxaan oo daawo ah ilmaha intaa leeg u soo qoray.

Maxaad ka filaysaa dadka waaweyn hadii sebigiiba bac daawaha lagu soo rarayo oo hooyadii la leeyahay sii taas oo inta badan hooyadu maadaama ay jeceshahay ubadkeeda laga yaabo inay ku dhaqaaqdo halkaasna dhib horleh ilamaha yar kasii gaadho.

Lasoco qaybta 2aad

Qore: Siyaad Cali Yuusuf

 

http://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2017/08/consumerrights-1024x768.jpghttp://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2017/08/consumerrights-150x150.jpgadminArticlesPuntlandsomali NewsDhakhtar xume,Macmiil,SoomaaliInta aanan u guda gelin sababaha kalifay inaan qoraalkan qoro, waxaan jeclahay inaan eegno habka dhowrista xuquuqda macmiilka (Consumer Rights  Protection). Ilaalinta Xuquuqda Macmiilka Guud ahaan caalamkan aan ku noolnahay waxaa jira xaquuqyo iyo waajibaadyo uu leeyahay qofka macmiilka ah (consumer rights protection)  uuna ku leeyahay meherad laha ama ganacsadaha mid...News from Somalia & the World