Q5. Goobaha Cuntooyinka

Waxaa jira in goobaha cuntooyinka caalamka dhamaantii loo jaro shatiyo ay ku shaqeeyaan waajibaadna ku amraya qofka meherada cuntada iska leh, hadey tahay meherad cunto fudud iyo hadey tahay meherad cuntada guud laga cunoba. Waxaa ka mid ah shatiyada la bixiyo mid nadaafadeed, mid caafimaad, iyo mid xirfadeed oo intaba looga golleeyahay in lagu ilaaliyo xuquuqda macmiilka ka cuntaynaya goobta raashinka bisil lagu gadayo.

Waxaa la sameeyaa kormeerro joogta ah oo hadii la arko goob cunto oo nadaafadeedu xuntahay talaabo deg deg ah ayaa laga qaadaa, albaabada ayaana laysugu dhuftaa waxaana dhacda in ganaax iyo ciqaab adag la mariyo mulkiilaha meesha iyo shaqaalahaba.

Waxaa kaloojira in dadka ka cunteeya goobtaas ay dacweyn karaan meherad laha hadii uu cunto aan ku haboonayn caafimaad kooda uu ka iibiyo iwm.

Hadaba Soomaaliya tan iyo intii uu burburku dhacay waxaa caado noqotay in meheradaha cuntada layska furto ha ahaato goob shaah iyo cunto fudud lagu gado ama ha ahaato maqaaxi cuntooyinka guud laga cuno sida quraac, qado iyo casho iyada oo aan la tixgelin nadaafada goobta, nadaafada maacuunka, nadaafada shaqaalaha iyo adeega guud ee macmiilka.

Waxaad arkaysaa goobo cunto lagu gadayo balse aan u qalmin in ay noqoto goob  cunto, waxaad arkaysaa shaqaale hargabsan ama qufacaya oo cuntadii dadka usoo guraya, mid goobta ku xaaqsanaya, mid hortaada ku duufsanaya, jikada oo aad ku arkaysid cayayaan ka reeban goobaha cuntada sida jiirka, baran baro, dakhsi badan iwm.

Waxaa intaa sii dheer, macmiilka oo aan wax tixgelin ah la siin, aadna arkaysid qofkii macmiilka ahaa  haduu ka hadlo cuntada loo keenay ama adeegga loo sameeyay iska daa in la raali geliyee lagu leeyahay iskeen hadaad nin tahay, ma’anagaa noo soo shaqo tagtay, hanagu soo noqon iyo handaado kale oo fara badan.

Waxaad ku arkaysaa magaalooyinka waaweyn goobo lagu qayilayo hadana dhinaca kale cunto bisil lagu iibinayo iyo waxyaalo kale oo mamnuuc ka ah goobaha cuntada.

Waa jiraan goobo nadaafad leh, shaqaalaha ilaa xad tixgelin leeyihiin balse inta badan goobaha cuntada waxaad ku arkaysaa waxyaalaha aan kor ku soo sheegnay oo dhan iyo waxyaalo kale oo ka reeban goob cunto bisil lagu samaynayo.

Macmiilku Xaqiisa goormuu helayaa?

Maxaa weli sababaya in macmiilka Soomaaliyeed uusan haysan hay’addo xaqiisa u raadiya sida caalamka kaleba ama uu helo hab uu ku cawdo oo khaladka laga galay ku sheegto.

Waxaan wada ognahay in meelkasta oo caalamka ay dhacayso in meheredlahu ama ganacsigu uu ku xad gudbayo xaquuqda macmiilka ayna tahay wax lagama maarmaan ah taas oo ka dhigaysa in qofka maadaama dhibaato weyn loo geysan karo uu helo cid xaqiisa usoo dhicisa, ciqaabtana meheredlaha si markaas loo dhowro xaquuqda qof kasta oo Soomaali ah.

Waxaa ka mid ah sheekooyinka aad suuqa ka maqlayso in dadbadan si khaldan loo dhakhtareeyey, daawo dhacday la siiyey, daawo aan sax ahayn la siiyey, iyo sheekooyin badan oo kala duwan oo dhibaatooyin badan loo geysto dad kala duwan oo ay u geysanayaan meheredlayaal ama ganacsato ayna jirin cid difaacda dulmanayaasha faraha badan.

 

Gabagabo

Sida aan qoraalkan ku tusaaleynay waxaa jira dhibaato badan oo macmiilka loo geysto dalka Soomaaliya mana jirto xaquuq macmiil oo la ilaaliyo ama nidaam sharci oo u taagan ilaalinta xaquuqda qofka Soomaaliga ah.

Sida aan bilowga qoraalka ku soo sheegnay caalamka oo dhan waxaa jira sharciyo kala duwan oo ilaalinaya xuquuqda qofka macmiilka ah, sharciyo kala duwan oo dhowraya nafta iyo maalka qofka macmiilka ah kana ilaalinaya bahalaha ganacsato ee laga yaabo inay dadweynaha aan waxba ogeyn xaqooda ku tuntaan, kana macaashaan dhiigooda iyo noloshooda had iyo goor.

Dalka Soomaaliya maadaama burbur badan iyo wakhti dheer dawlad la’aan jirtay waxaa caado iska noqotay in ganacasato horor ah ay soo baxaan ayna ka dulmacaashaan dhiiga iyo dhibaatada dadka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan khaladna aan gelin.

Waxaa hubaal ah hadii shacabku dareemi lahaa dhibaatada ganacsatadu dhiig miiradka ay ku hayaan way kici lahaayeen wayna iska celin lahaayeen balse garasha la’aanta macmiilka iyo isku duubni la’aanta dadka ayaa laga faa’iideystay laguna banaystay waxyaalo badan oo ka reeban dhaqanka ganacsi taas oo ay sii kaal maysan kuwii loo igmaday ilaalinta danaha shacabka oo dheg jalaq usiin tacadiyada macmiilka Soomaaliyeed lagu hayo, hadey noqon lahayd xaga daawada, cuntada, adeega asaasigaa, adeegyada kala duwan, ganacsiga guud, farsamada gacanta iwm.

Waxaan ku talinayaa in dadka loo igmaday ilaalinta iyo hogaaminta ummada ay si degdeg ah u soo rogaan hay’adihii fayo dhowrka caafimaad, fayo dhowrka cuntada iyo shatiyada iyo sharciyada ilaalinaya macmiilka xaquuqdiisa kana difaacaya tacadiyada ay geestaan iimaan laawayaasha ganacsada qaarka badan oo ka midka ahi.

Qoraalkaan waxaan filayaa inuusan dabooli karin tacadiyada lagu sameeyo shacabka Soomaaliyeed ee wanaagsan, balse waxaan is leeyahay ugu yaraan in laga hadlo lana dardar geliso hirgelinta sharuucda ilaalinta xaquuqda macaamiisha dhinackasta ee noocyada aan kor ku soo sheegnay ka mid ah.

Waxaa waajib ku ah ganacsatada naftooda inay sameeyaan xafiisyo ka shaqeeya ilaalinta xuquuqda qofka macmiilka ah ee mawaadinka ah si ay u muujiyaan inay diyaar u yihiin iska ilaalinta xad gudubka macaamiisha ay dhaqaalahoodu ku tiirsan yihiin inaysan dhicin, shacab kuna helaan kalsooni ay ku qabi karaan ganacsatada iyo adeeg bixiyayaasha kala duwan.

Ugu danbeyn waxaan farayaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan inay u istaagaan  xaqooda ayna u dhaafin qofna haduu ku kaco tacadi ka dhan ah anshaxa ganacsiga iyo ilaalinta naftooda iyo maalkooda.

W/Q: Siyaad Cali Yuusuf

Boosaaso

Qaybtii 4 halkan ka akhri:

http://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2017/08/consumerrights-1024x768.jpghttp://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2017/08/consumerrights-150x150.jpgadminArticlesJubbalandKoonfur GalbeedPuntlandsomali NewssomalilandMacmiil,Siyaad,Soomaaliya,Xuquuqda MacmiilkaQ5. Goobaha Cuntooyinka Waxaa jira in goobaha cuntooyinka caalamka dhamaantii loo jaro shatiyo ay ku shaqeeyaan waajibaadna ku amraya qofka meherada cuntada iska leh, hadey tahay meherad cunto fudud iyo hadey tahay meherad cuntada guud laga cunoba. Waxaa ka mid ah shatiyada la bixiyo mid nadaafadeed, mid caafimaad, iyo mid...News from Somalia & the World