Waxaa magaalada Garoowe ee caasimada Puntland si weyn loogu soo dhoweeyey looguna soo baxay madaxweyne Farmaajo oo booqasho shaqo ku maraya Puntland.

Madaxweynaha oo ka soo degay garoonka cusub ee Garoowe International goor dhoweyd ayaa waxaa soo dhoweeyey madaxda ugu sareysa Puntland iyo ciidamada qalabka sida, saraakiishooda, qucaasha deegaanka, haweenka, dhalinyarada iyo b ulsha weynta reer Garoowe.

Waxaa laga dareemayey magaalada Garoowe diyaar garowga imaatinka madaxweynaha ee Puntland asbuucyadii la soo dhaafay. Waxaa wadooyinka lagu sharaxay calanka Soomaaliya iyo sawirada madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo. Sawirada waxaa ku qoran hal haska madaxweynaha dalka ee Nabad iyo Nolol. Baabuurta magaalada waxaa ka muuqda sawirka madaxweynaha oo dhinacyada uga dhegan.. Waxaad arkaysaa haween iyo rag badan oo sita calanka Soomaaliya iyo sawirka madaxweynaha.

Waxaa ka muuqday soo dhoweynta madaxweynaha sida weyn ee shacabka Garoowe u taageersan yihiin dawladiisa ayna uga dhursagayeen imaanshihiisa iyo safarkiisa Puntland.

Waxaa la filayaa in madaxweyne Farmaajo Puntland joogi doono maalmo dhowr ah uuna booqan doono magaalooyinak Qardho, Carmo iyo Boosaaso isaga oo mari doona dhinaca dhulka.

Waxaa wararku sheegayaan in madaxweyne Farmaajo uu mashaariic  cusub dhagax dhigi doono oo Puntland ka qabsoomaya ayna bixinayso dawladda Federaalka ee Soomaaliya taas oo noqonaysa markii ugu horeysay oo macaawinada dalka si degdeg ah maamulada dalka loogu qaybiyo si loo gaarsiyo horumarka dadka oo dhan.

SC

Bosasotimes.com

 

 

http://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2018/01/farmaajogaroowe2.jpghttp://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2018/01/farmaajogaroowe2-150x150.jpgadminPuntlandsomali NewsFarmaajo,Garoowe,maxamed Cabdullahi Farmaajo,Puntland,SCWaxaa magaalada Garoowe ee caasimada Puntland si weyn loogu soo dhoweeyey looguna soo baxay madaxweyne Farmaajo oo booqasho shaqo ku maraya Puntland. Madaxweynaha oo ka soo degay garoonka cusub ee Garoowe International goor dhoweyd ayaa waxaa soo dhoweeyey madaxda ugu sareysa Puntland iyo ciidamada qalabka sida, saraakiishooda, qucaasha deegaanka, haweenka,...News from Somalia & the World