Wararka laga helayo Boosaaso ayaa sheegaya in goobaha ganacsiga inta badan ee magaalada maanta ay xiran yihiin kadib markii ganacsatada oo ka caraysan xanibaada dekedda Boosaaso ay ganacsiyadoodii xirteen.

Weli waxaa taagan muranka dekedda oo hada dib u xirantay kadib markii dawladda Puntland iyo hay’adda la sheegay inay dekedda la wareegtay dib u bilaabeen inay lacago xad dhaaf ah qaadaan. Ganacsatada iyo doonyo leyda dekedda Boosaaso ayaa ka horjeeda in lacagaha la sheegay ay bixiyaan iyaga oo ku andacoonaya inay xaqdaro tahay aysana awoodin.

Ganacsatada waxay ku doodayaan in lacagaha lagu soo rogey aysan suurto gal ahayn inay shacabka la saari karin oo aysan qaadi karin sidaa awgeedna aysan suurto gal ahayn in ay lacagtaa bixiyaan.

Xaalada ayaa cakiran magaalada iyo guud ahaan deegaanada Puntland sababo la xiriira ismari waaga ka taagan hawsha dekedda iyo lacagaha la sheegay in la soo kordhiyey. Dawladda Puntland ayaa ciidamo badan dhoobtay wadooyinka magaalada Boosaaso kuwaas oo ay sheegeen inay ka hortagayaan waxay ugu yeereen qas wadayaal.

Waxaa kaloo jira sida wararka sheegayaan in dadku guud ahaan aysan raali ka ahyn habka loo maray wareejinta dekedda iyo sodonka sano la sheegay in dekedda ay gacanta ugu jireyso shirkadda P&O ee dalka Imaraadka laga leeyahay.

SC

Bosasotimes.com

 

http://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2017/10/Bosaso-Port.jpghttp://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2017/10/Bosaso-Port-150x150.jpgadminPuntlanddekedda bosaso,P&O,SC,Suuqa BoosaasoWararka laga helayo Boosaaso ayaa sheegaya in goobaha ganacsiga inta badan ee magaalada maanta ay xiran yihiin kadib markii ganacsatada oo ka caraysan xanibaada dekedda Boosaaso ay ganacsiyadoodii xirteen. Weli waxaa taagan muranka dekedda oo hada dib u xirantay kadib markii dawladda Puntland iyo hay'adda la sheegay inay dekedda la...News from Somalia & the World