Waxaa ka furmay xarunta tababarada ee shirkadda Agaasin magaalada Garoowe tababar ku saabsan kobcinta iyo kor u qaadidda xirfadda ganacsatada Puntland kaas oo  ayna si wada jir ah ufulinayeen shirkaddaha Ramaas Software iyo  Agaasin.

Tababarka wuxuu  ku saabsanyahay maareynta ganacsiga iyo adeegsiga borogaraamada kumbuyuutarka ayaa waxaa ka qayb qaatay ilaa 10 shirkaddood oo si xulid ah ku soo baxay kadib markii lagu sameeyey qiimeyn baahiyahooda iyo sida ay ugu haboon yihiin inay qaataan tababarada noocan oo kale ah.

     

Waxaa tababarka maalgelisay hay’adda BDO oo ah hay’ad ka caawisa shirkaddaha Puntland dhinaca maalgelinta iyo shaqa abuurka.  Shirkadaha tababarkan qaadanaya ayaa qayb ka ah shirkaddo badan oo hay”addu maalgelin ku samaysay kuna soo baxay tartan shirkaddo badan oo reer Puntland ah ay soo gudbisteen codsiyo si maalgashi ay u helaan.

Tababarka sida aan sheegnay wuxuu ku saabsan yahay kor u qaadida hab xisaabeedka iyo maamulka shirkaddaha iyo adeegsiga hababka casriga ee shirkaddaha caalamka lagu maamulo.

Tababarka waxaa bixinayey khuburo ku xeel dheer dhinacyada maareynta maaliyadda shirkaddaha sida khaaska ah loo leeyahay iyo adeegsiga hab kumbuyutar xisaabeedka.

Mudane Maxamuud Cabdi iyo Maxamed Hassan ayaa daadihinayey tabarada kuwaas oo aqoon iyo khibrad dheer u leh barnaamijyada ay kala hogaaminayeen ahna barayaal ku xeeldheer habka waxbaridda iyo gudbinta cilmiga.

SC

Bosasotimes.com

 

 

 

 

http://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2017/12/IMG_0053.jpghttp://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2017/12/IMG_0053-150x150.jpgadminPuntlandsomali NewsAgaasin,BDO,Garoowe,Ramaas Software,SMEWaxaa ka furmay xarunta tababarada ee shirkadda Agaasin magaalada Garoowe tababar ku saabsan kobcinta iyo kor u qaadidda xirfadda ganacsatada Puntland kaas oo  ayna si wada jir ah ufulinayeen shirkaddaha Ramaas Software iyo  Agaasin. Tababarka wuxuu  ku saabsanyahay maareynta ganacsiga iyo adeegsiga borogaraamada kumbuyuutarka ayaa waxaa ka qayb qaatay ilaa...News from Somalia & the World