Maanta oo ay Taariikhduna ay ku beegantahay 29-ka Bisha January ayaa waxaa ku eg Waqtiga Ay guddiga Doorashooyinka ay sheegeen in ay ku egtahay diiwaangalinta musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya.

26-kii Ayeey Bilaabatay Maalintii Khamiista aheyd oo ay ku dhawaaqeen guddiga doorashooyinka madaxweynaha Soomaaliya.

Laga soo Bilaabo Maalintaasi ilaa iyo maanta waxaa is diiwaangalinaya Musharixiin ka yar Musharixiinta ku dhawaaqday in ay u sharxanyihiin Madaxweynaha Soomaaliya.

15- Musharax ayaa ilaa iyo iminka is diiwaangalisay hayeeshee Qaar kamid ah Guddiga Doorashooyinka Madaxweynaha ayaa sheegay in laga yaabo in Galinka hore ee maanta ay is diiwaangaliyaan Musharixiinta madaxweynaha.

Musharixiinta is diiwaangaliyay ayaa Kiiba waxa uu dhiibay Lacag Dhan 30,000 oo Dollarka Mareykanka ah Sida kal horeyba la shaaciyay.

Hoos ka Aqriso Musharixiinta is Diiwaangalisay

1- Xasan  Sheekh Maxamuud
2- Cumar Abdirashiid Cali Sharma’arke
3- Maxamuud Maxamed Culusow
4- Abdukadir Osoble Ali
5- Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan)
6- Maxamed Cali Ameeriko
7- Dr Abdinaasir Cabdulle maxamed
8- Maxamed Abdullaahi Farmaajo
9- C/raxmaan Abdishakuur Warsame
10- Jibriil Ibraahim Cabdulle
11- Cali Xaaji Warsame
12- Saciid Abdullahi Deni
13- Abdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole
14- Saciid Ciise Maxamuud
15- shariif sheikh ahmed

in kabadan 30 Musharixiin ayaa waxa ay u taaganyihiin qabashada xilka madaxtinimo Soomaaliya doorashadaasi oo ah mid xasaasi ah.

http://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2016/07/xasan1.jpghttp://www.bosasotimes.com/wp-content/uploads/2016/07/xasan1-150x150.jpgMustafe Mohamedsomali NewsMaanta oo ay Taariikhduna ay ku beegantahay 29-ka Bisha January ayaa waxaa ku eg Waqtiga Ay guddiga Doorashooyinka ay sheegeen in ay ku egtahay diiwaangalinta musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya. 26-kii Ayeey Bilaabatay Maalintii Khamiista aheyd oo ay ku dhawaaqeen guddiga doorashooyinka madaxweynaha Soomaaliya. Laga soo Bilaabo Maalintaasi ilaa iyo maanta waxaa is...News from Somalia & the World